Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Daawo Sawirada:Madaxda Dawlada oo Kulan La Yeeshay Ururada Bulshada Rayidka Kana Hadlay Joojintii Shirkii Xuquuqda Aadanaha

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa galabta kulan xarunta madaxtooyada kula yeeshay ururada bulshada rayidka ee ka hawlgala dalka.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka Muxyidiin Maxamed Kaalmooy iyo xubno kale oo ka tirsan dawlada qeybaheeda kala duwan.

Ujeedada kulankan ayaa lagu micneeyay sidii wadatashi ay u yeelan lahaayeen madaxda dawlada iyo ururada bulshada rayidka gaar ahaan doodii ka dhalatay kulan ku saabsanaa Xuquuqda Aadanaha Soonaaliya oo ay dawladu joojisay maalinimadii Sabtii ee 08/12/2012 kaasoo Dwoalda war ay soo saartay ay kusheegtay ın shırkaası ka walaacsantahe.


Dhanka bulshada rayidka waxaa kulankan ka soo qeybgalay dalladaha bulshada rayidka sida ururada haweenka, dhalinyarada iyo kuwa nabadda u ololeeya oo qeyb ka ahaa ururada wax ka qabanqaabiyey kulankii ay dawladu joojisay maalinimadii Sabtida kaasoo ururada bulshada rayidku ay aad uga xumaadeen.

 

Intii kulankan uu socdayayaa waxaa dawlada madaxdeeda ay cadeeyeen inay rabaan inay talooyin ka qaataan bulshada qeybaheeda kala duwan, isla markaana ay diyaar u yihiin wixii dalka horumarkiisa ka qeybqaadanaya.
Waxaana ugu dambeyntii ururada bulshada rayidka iyo dawladu isku fahmeen in horey loo wado badbaadinta dadka Soomaaliyeed lana helo wada shaqeyn u dhexeysa bulshada rayidka iyo dawlada.


Dhanka kale kulankan ayaa waxaa uu dhacayaa iyadoo maalinimada Isniinta ee 10-ka Disembar oo berito ku beegan magaalada Muqdisho lagu qaban doono munaasabada caalamiga ee maalinta Difaaca Xuquuqda Aadanaha oo caalamka oo dhan ka dhacaysa.  Waxaana lagu wadaa in munaasabadaasi ay ka wada qeybgalaan Ururada Bulshada Qaramada Mıdoobe . mıdowga Yurub iyo masuuliyiin ka socota dawlada Soomaaliya.

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>