Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Wiil Soomaaliyeed oo dabaq ku yaal magaalada Oulu ee dalka Finland ka soo dhacay kadib markii ay gurigiisa u soo jebiyeen koox Finnish ah

$
0
0

Magaalada Oulu ee dalka Finland booliska ka hawlagala ayaa sheegay in gurigi ku yaal deegaanka Toppila ee magaaldaas oo Lix dabaq ah uu ka soo dhacay wiil Soomaaliyeed oo 19 jir ah.
Warbixinta booliska iyo dad goobta ka agdhowaa ayaa si isku mid ah u sheegay sida ay wax u dhaceen waxayna tibaaxeen in Wiilkan Soomaaliga ah iyo gabar Finnish oo la joogtay uu muran ka dhex aloosmay.
Murankaas kadib sida wararku sheegayaan gabadhii ayaa walaalkeed oo isla daarta guri ku yaal saaxiibkiis la joogay u tagtay una sheegtay meesha xaal marayo, walaalkii oo aad u saqraansan ayaa soo abaaray gurigii uu wiilka Soomaaliga ahi deganaa wuxuuna garaacay albaabkii.
Albaabkii markii laga furi waayay ayuu xoog ku jebiyay si uu gudaha u galo, laakiin ninkii, walaashiis iyo nin kale oo la socday  markii ay gudaha gurigii u galeen ayuu wiilkii Soomaaliga ahaa isku dayay in uu daaqada dabeysha ee gurigiisa ka boodo si uu ugu baxsado Balakoonka dabaqa ka hooseeye laakiin waa sibxaday, dhulka ayuuna ku dhacay.
Toos ayuu isagoo ka soo dhacay Lix dabaq dhulka ugu dhacay waxaana isagoo weli nool loola cararay Cusbitaalka halkaas oo uu ku geeriyooday.
Boolisku waxay si horudhac ah u xireen saddexdii qofood ee guriga soo galay laakiin waxay ku doodeen in aysan weli heyn calaamado muujinaya in wiilka dhintay ay gacan ula tageen dadkani.
Si kastoo ay ahaataba waxaa weli socda baaritaan la xiriira dilkan ama dhimashadan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la soo gunaanado baaritaanka kiiskan ka dhacay magaalada Oulu, Finland.
Tuhun cunsurinimo waa jiraa laakiin boolisku waa ka meermeereen dhab uga hadlidda wararka la xiriira midab-naceybka.
Helsinki, Finland
halgankanet@gmail.com  


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles