Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Buliiska AMISOM oo deeq lacageed guddoonsiiyay Booliska Soomaaliya

$
0
0


Muqdisho(Sh.M.Network)—Taliyaha Howlgalinta Ciidamada AMISOM iyo Taliyaha Booliska Soomaaliya oo Shir Jaraa’id si wada jira ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen khasaarihii ka dhashay weerar dhawaan Al Shabaab deeganno hoostaga Gobolka Sh/hoose kula eegteen wafdi uu hogaaminayay Wasiirka arimaha Gudaha iyo amniga Qaranka e xukuumadda Soomaaliya.
Taliyaha Howl galinta AMISOM ayaa waxa uu sheegay in 2100$ oo ay iska soo uruuriyeen Ciidanka Buliiska AMISOM ay gaarsiiyeen 3 ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya kuwaasi oo mid ka mida uu ku dhintay Isbitaal Caafimaad oo Taliska AMISOM ay leeyihiin.
Taliyaha Howl galinta AMISOM ayaa intaa sii raaciyay in dhaqaalahaan ay iska soo Jareen Ciidanka AMISOM hase ahaatee aanu ka imaan Ururka Midowga AFrika isagoo shaaca ka qaaday in Askarigiiba la siiyay lacag dhan 700 oo dollar halka askariga dhintana qaybtiisa ay gaarsiinayaan ehelladiisa.
Taliyaha Ciidamada Buliiska Soomaaliya Jeneral Shariif Sheekh unaa Maye oo isna Goobta ka hadlay ayaa waxa uu uga Mahad celiyay deeqda Ciidanka Booliska ay siiyeen bukaannadaasi ka tirsanaa Ciidanka Buliiska Soomaaliyeed.
2100$ ee Ciidamada Buliiska AMISOM ay gaarsiiyeen Ciidamadaasi Booliska Soomaaliyeed ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee nuuceeda ah iyadoo ugu dambeyn Saraakiisha booliska AMISOM iyo  Kuwa Soomaaliya ay sheegeen in iskaashi dhankastaa ay sameyn doonaan


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>