Kulanka ay soo qaban-qaabisay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka laguna casuumay qaar ka mid ah musharixiintioi u tartantay xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, isla markaasna wax ka dhiga jaamacadaha dalka Mareykanka sida Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay inaan loo baahneyn in aayo ka talinta iyo maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka aan lagala tashan dowladaha Kenya iyo Itoobiya, loona baahanyahay in dowladdu ay iyadu maamul u sameyso goboladaasi.
Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ahaa Ra’isul wasaareyaashii Soomaaliya soo maray haddana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa waxa uu u sharaxay dadweynaynihii madashana soo xaadiray rajayada cusub ee Soomaaliya ka curatay iyo sida loogu baahan yahay in looga faa’ideysto, Cali Khaliif waxa uu sheegay in dowladda cusub ay tahay nidaam dalka Soomaaliya ka hirgalay, isla markaasna loo baahanyahay in laga wada-shaqeeyo siddii nidaamkaasi rejada ku dhisan uu sii shaqeyn lahaa. Waxaa sidoo kale mujtamaca Soomaaliyeed uu kala dardaarmay in ay la shaqeeyaan oo ay u hogaansamaan madaxda dowladda, islamarkaana ay garab istaagaan.
Sidoo kale xildhibaan Cali Khaliif waxaa uu ka hadlay xiriirka u dhexeeya maamul goboleedyada jira iyo dhismaha kuwa cusub, waxaana uu sheegay in ay haboon tahay ka talo bixinta arrintaasi in looga haro dowladda dhexe ee dalka ka jirta, isagoo si gaar ah uga hadlay Jubbooyinka iyo Khaatumo oo uu sheegay inay maamulka goboladaasi ay taladooda leeyihiin dadka ku dhaqan, dowladda dhexena looga baahan yahay in ay gacan ku siiso, wuxuuna yiri “Anigu ma aamisani in maamul u sameynta Jubbooyinka lagala tashanayo Kenya iyo Itoobiya waa mid u taaladda maamul u sameyntoodu inay ku heshiiyaan dadka ku nool, dowladda dhexena looga baahanyahay inay garab ku siiso”.
“Itoobiya iyo Kenya ma aha in lagala tashado aayo ka talinta iyo maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, goboboladaasi waxaa maamul u sameyn kara oo keliya dowladda Soomaaliya, dowladduna waxay tixgelinaysaa rabitaanka shacabka ku nool goboladaasi ee ma aha in loo daba fariisito Itoobiya iyo Kenya maamul u sameynta Jubbooyinka, taasina waxay fadeexad iyo weji-gabax ku noqon doontaa dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr oo sidoo kale u tartamay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya oo uu markii dambe ku guuleystau Prof. Jawaari.
↧
Cali khaliif Galeyr:- Ma aha in loo daba fariisito Itoobiya iyo Kenya maamul u sameynta Jubbooyinka, taasina waxay fadeexad ku tahay…
↧