Jabuuti(Sh.M.Network)—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof:Xasan Sheekh Max’uud ayaa maanta waxa Magaalada Jabuuti ee dalkaasi Jabuuti uu uga qayb galayaa Munaasabad ballaaran oo ku aadan 40 Sano guuradii ka soo wareegatay markii la qoray Farta Soomaaliga
Magaalada Jabuuti ayaa waxaa laga dareemaya udiyaar garowga Munaasabaddaasi oo xariga uu ka jari doono Madaxweynaha Soomaaliya Prof:Xasan Sheekh Max’uud halkaasi oo lagu soo bandhigi doono yididiilada uu leeyahay Afkeena hooyo.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay kulan Casha Sharafa waxa ay la qaateen isaga iyo wafdigiisa Masuuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Dalkaasi Ismaaciil Cumar Geele.
Kooxaha Musiga iyo qoob ka Ciyaarka aadka ugu dheereeya fanaaniin Macallimin iyo qayabaha Bulsha weynta Jabuuti ayaa lagu arkayaa waddooyinka iyagoo wata dareesyo kala duwan oo aad ubilicsan misana isu diyaarinaya ka qayb galka Munaasabaddaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Horay qorshayaashiisa Muhiimadda 1aad waxa uu ku soo daray kor uqaadista aqoonta Jiilka Soomaaliyeed iyo Kobcinta heerka qorista farta Soomaaliga
↧
Munaasabadda 40 sano guuradii qorista Soomaaliga oo maanta ka dheceysa Jabuuti
↧