Muqdisho(Sh.M.Network)—Waxgarad iyo duqow ka soo jeeda Gobollada Jubbooyinka ayaa waxa ay cabasho xoogan ka muujinayaan dhibaato ay sheegeen in dadka rayidka ee ku sugan Magaalada Kismaayo kala kulmaan Maleeshiyada Axmed Madoobe ee Raas Kaambooni ee ka arimiya Gobolkaasi Jubada Hoose.
Luqmaan Xakiim oo ka mida wax garadka Ka soo jeeda Gobollada Jubbooyinka gaar ahaan Gobolka Jubada Hoose oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in maalmihii ugu dambeeyay tacadiyo iyo dhibaatooyin kale ay dadka ku dhaqan Kismaayo iyo deegaanada kale ee ay gacanta ku hayaan Ururka Raas kaambooni kala kulmayeen maleeshiyaadkaasi.
Meelaha Kooxda Raas Kaambooni ay shacabka ku dhibaateneyso ee cabashada ballaaran laga muujinayo waxaa ka mida Deegaanka Hosingo ee Gobolkaasi halkaasi oo Raas kaambooni dhac iyo dhibaatooyin kale ay kula kacayaan dadka rayidka ah.
Waxgaradka Gobollada Jubooyinka ayaa sidoo kale waxa ay ka dalbadeen Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi joogtada ah ee Maleeshiyaadka Axmed Max’ed Islaam Madoobe ay ka geesanayaan Magaalada Kismaayo iyadoo xiriiro Shabelle ay la sameysay Maamulka Kismaayo iyo kuwa Axmed Madoobe ee ku sugan Kismaayo aanu suura galin
Kismaayo ayaa maalmihii dambe waxaa ka jiray dilal qorsheysan iyo weeraro kale oo ka dhacayay Gudahaa Magaaladaasi kuwaasi oo maamulka Magaalada ay ku eedeyeen in ay ka dambeeyaan Ururka Al Shabaab
↧
Waxgar qaylo dhaan ka muujinaya dhibaato lagu hayo shacabka Kismaayo
↧