Fadhiga maanta ee golaha wakiilada oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa mudanayaashii ka soo xaaddiray fadhigaas, ayaa waxa loogu qaybiyey ajandaha uu ka kooban yahay kalfadhiga 20-aad ee golahaasi uu yelan doono muddada .fadhigiisa
Ajandaha kal fadhiga 20 aad ee golaha wakiilada Somaliland ayaa ka kooban.
- Warbixinta shir gudoonka,guddida joogtada ah iyo gudiyada golaha wakiilada.
- Mashaariicda sharci ee golaha horyaala.
Sidoo kale xeerarka lagu soo qaadi doono kalfadhiga 20aad ee golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa ku jira.
- Xeerka booliska
- Wax ka bedelka xeerka qareenada.
- Xeerka saxaafada.
- Xeerka aas aasida komishanka dib u habaynta shuruucda.
- Miisaaniyada qaranka ee 2013
- Xeerka ganacsiga hawlaha baanka
- Xisaab xidhka dawlada 2008,2009,2010
- Xeerka statistics law.
Dhinaca kale inta lagu gudo jiro kalfadhiga 20aad ee golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa kale oo lagu soo qaadi doonaa.
- U yeedhista masuuliyiinta qaranka
- Ansixinta masuuliyiinta qaranka
- Xeerarka ka soo noqda golaha guurtida
- Iyo wixii kale ee soo kordha.