Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Somaliland ayaa la sheegay inay shalay u gudbiyeen Maxkadma Sare ee dalka qoraal ay kaga codsadeen inay u soo xajiijiso ururada iyo Xisbiyadii tartamayey inay wax dacwad ah oo ku saabsan Najiitadii doorashada inay u soo gudbiyeen ama inay Maxkamadu Furatay wax Racfaan ah oo ku saabsan Najiitada ku meelgaadhka ahayd ee Doorashadii Deegaanka ee 28-kii bishii hore ee November dalka ka qabsoontey, taas oo ay Maxkamadaha Goboladuna ay dhawaan ansixiyeen. Sidoo kale qoraalkaas la sheegay in Guddida Diwaangalinta Ururadu ay u gudbiyeen Maxkamada Sare ee Qaranka ayaa ku soo beegmay xili ay dhawaan Komishanka Doorashooyinku u gudbiyeen Guddida Diwaangalinta Natiijadii Doorashadii Golayaasha Deegaanka si ay ugu dhawaaqaan sadexda Xisbi ee u soo baxay Xisbiyada Qaranka.
Gudida ayaa waxa ay Qoraal Rasmi ah u direen Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah kaasoo ay kaga dalbadeen in ay soo cadeeyaan inay hayaan Cabashooyin la xidhiidha Natiijada iyo inkale si ay ugu dhawaaqaan Go’aanka Sadexda Xisbi ee ugu codka badnaa doorashadii deegaanka.
Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo ku dhawaaqista Sadexda Xisbi ee soo baxay ayaa sharciga dalku uu siiyey inay ku dhawaaqaan Saddexda Xisbi Qaran marka ay u cadaato inaanay jirin wax cabasho ah oo taala Maxkamadda sare, haddii kale waxa waajibku yahay inay sugaan inta ay go’aan kama danbays ah Maxkamaddu ka soo saarayso cabashadaasi.
Hargeysa Somaliland
↧
Guddida Diiwaangalinta Ururada Oo Isku Diyaarinaya Inay Ku Dhawaaqaan 3-da Xisbi Qaran Ee Dalku Yeelan Doono Iyo Nuxurka Qoraal Ay Maxkamadda Sare U Direen
↧