Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

WAR DEG DEG AH:Dabaylo Qasaare Gaystay oo Gordhow Ku dhuftay Magaaladda Hobyo

$
0
0

 
Wararka Naga soo Gaaraya Magaala Xeebedka Hobyo ayaa Sheegaya in gordhow ay Halkaasi ku dhufteen  Dabaylo Xoogan oo Sababay Qasaaro  Naf iyo Maal isugu Jira waxaana Wararku intaa Ku Darayaan in Magaalada ay Baddu U soo dhawaatay Isla Markaana ay Dadkii Isaga Baxayaan.
Mar aan la xiriirnay Dadka deegan ayay noo sheegen in ay Magaaladu kacsantahay ayna jiraan dabaylo iyo roobab ay wataan in ay Gabi ahaanba Xeebta iyo Deegaanada ku Xeeran ka Socdaan,wallow uu Qadka Telfanku Aad u adagyahay hadana Qar ka mida Dadka Deegan  oo Markii Ugu denbeysay aan  la xaririirnay iyagoo ku Sugan Degmadda Hobyo ayay noo xaqiijiyay in ay Jiraan Qasaare Isugu Jira Dhimasho Nafeed iyo Qasaare Maal hadana waxaa go,ay Isgaarsintii.
Dabaylahan ayaa ku Bilowday inta Badan deegaan Xeebeedyadda Gobolada Mudug iyo Nugaal waxaa Sidoo kale Dabaylo Xoogan ku dhufteen Degmadda Garacad Balse nooma Suura galin in aan la xariirno sabab Xaga qadka Telfonka oo Go,an
WIXII WARAR DHEERAD AH EEK U SOO KORDHA DIB KA FILO


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>