Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa waxay sheegayaan in duleedka magaaladaasi uu ka dhacay shil gaari oo khasaare kala duwan ay ka soo gaareen dad shacab ah iyo askar ka tirsan ciidanka Somaliland, waxaana la sheegay in shilkaasi ay ku dhinteen tiro askar ah.
Sida warku sheegayo shilkan gaari oo ka dhacay tuulo lagu magacaabo Haleeya oo u dhow magaalada Hargaysa ayaa waxa uu yimid ka dib markii ay isku dhaceen baabuur nooca xamuulka qaada ah oo ay wateen ciidamada booliska Somaliland oo ka yimid magaalada Laascaanood iyo gaari kale oo isna ah nooca xamuulka dadweynaha oo isna la sheegay inuu ku soo jeeday magaalada Berbera, waxaana shilkaasi ku dhintay inta la xaqiijiyey askar gaareysa 5-askari oo ciidanka booliska maamulkaasi ka tirsan, halka ay ku dhaawacmeen 10-askari oo kale iyo dad shacab ah oo la socday gaariga kale.
War wuxuu intaasi ku darayaa in labada gaari oo midna uu tagay Hargeysa midna uu ku sii socday ay iyagoo si xowli ah ku socda isku dhaceen, isla markaasna labadii gaariba ay sidaasi ku qalibmeen, taas oo badisay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee ka shashay shilka labada gaadiid ee isku dhacday, waxaana arrinkaasi ka hadlay taliyaha ciidanka booliska Somaliland iyo wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi.
“Runtii shil naxdin badan ayaa ka dhacay tuulada Haleeya oo u dhaw magaalada Hargaysa waxaana shilkaasi ku dhintay inta na iloo xaqiijiyey inaguna aanu inhahayaga ku aragnay 5-askari oo boolis ah, waxaana dhaawac uu ka soo gaaray oo haatan isbitaalka guud ee Hargeysa lagu dabiibayaa 10-askar oo kale, waxaana na loo sheegay in dadka dhaawaca ah ay ku jiraan dad shacab ah oo la socday baabuurka kale ee ku dhacay kan ciidanka ay la socdeen” ayey ku yiraahdeen war ay soo wada saareen wasiirka arrimaha gudaha Somaliland iyo taliyaha ciidanka maamulkaasi.
Waa shilkii ugu horeeyay ee ka dhacay deegaanada maamulka Somaliland sanadkan 2013-ka ee shalay un curtay, mana aha shilkii ugu horeeyay oo noociisa oo kale oo ka dhaca gudaha maamulka Somaliland, waxaana jiray in sanadkii la soo dhaafay ay Somaliland ka dhaceen shilal sababay dhimasho iyo dhaawac, halka gobolada kale ee dalka Soomaaliya ay iyana sidoo kale shilal naxdin leh ka dhaceen, waxaana uga darnaa kii ka dhacay Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho, ka dib markii baabuur xamuul waday oo bareeg laga waayey uu dardaray dad laamiga hareerihiisa joogay sidaasina ku dhinteen, halka ay dad kale ku dhaawacmeen shilkaasi.
↧
Warar kala duwan oo ka soo baxaya shil khasaare badan geystay oo ka dhacay magaalada…
↧