Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dhoofinta xoolaha nool ay ka bilaabaneyso magaalada Muqdisho

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay shaaca ka qaaday in muddo ka badan 20-sano bartamaha bishan Janaayo ee sanadkan cusub 2013-ka magaalada Muqdisho laga dhoofin doono xoolaha nool ee loo iib-geeyo dalalka Khaliijka, halka horay looga dhoofin jirtay dekedaha maamulada Somaliland iyo Pubtlabd oo ay ka dhisanyihiin maxjaro.
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon {Saacid} ayaa sheegay in bishan January ee sanadka cusub gudaheeda magaalada Muqdisho laga bilaabidno dhoofinta xoolaha nool ee isugu jira ariga, loda iyo geela, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay lacag badan ka soo gelitoonto haddii ay bilaabato dhoofinta xoolahaa, sidoo kale Ra’isul wasaaruhu wuxuu sheegay in maxjar-weyn ay dowladdii ka horeysay iyaga ay ka dhistay deegaanka Jaziira oo uu sheegay inuu haatan diyaar yahay.
“Sida aan ku rajo-weynahay waxaa dhawaan magaalada Muqdisho laga bilaabi doonaa dhoofinta xoolaha nool ee loo iib geeyo dalalka Khaliijka, waxaan idiin sheegayaa in haddii ay arrintan hergasho ay noqoneyso in Muqdisho laga dhoofiyo xoolo nool muddo ka badan 20-sano” ayuu yiri Ra’isul wasaare Shirdoon oo intaasi ku daray in isagu uu aaminsanyahay in dowladda ay lacag badan oo gaareysa 5-milyan ay ka soo geli doonto.
Sidoo kale Ra’isul wasaaruhu wuxuu sheegay in haddii ay bilaabayo dhoofinta xoolaha nool ee magaalada Muqdisho ay dowladda ka heli doonto bil kasta lacag gaareysa 5-milyan oo doolarka mareykanka, si rasmi ahna loomaga oga maalinta iyo goorta ay bilaabaneyso dhoofinta xoolahaasi.
Xoolaha nool ee Soomaaliya ayaa waxaa laga dhoofin jiray dekadaha Boosaaso iyo Ber-bera, wuxuuna hadalka Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ka soo yeeray uu imaanayaa iyadoo bartamihii sanadkii tahay ay dowladda Sacuudiga dib ugu soo celisay Soomaaliya xoolo nool oo loo iibgeeyay, kuwaas oo ay sheegtay inay qabeen cuduro kala duwan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>