Hargeysa(Sh.M.Network)—Shilkaani Gaari ayaa ka dambeeyay kadib markii labo gaari oo ah kuwa Ciidamada Qaada ay iskula dheceen Deegaanka heelaayo ee Duleedka Magaalada Hargeysa kaasi oo waxyeelo ba’an uu ka soo gaaray Askar Maamulka Soomaaliland ka tirsan.
Inta la’ogyahay Shilkaani waxaa ku geeriyooday 3 Askari oo Ka tirsanaa Maamulka Soomaaliland iyadoona ay ku dhaawacmeen Askar Gaareysa illaa 27 Askari kuwaasi oo dhamaantood loo qaaday Isbitaalka Magaalada Hargeysa si loogu dabiibo Xaaladooda Caafimaad.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliska Soomaaliland ayaa ka hadlay shilkaasi Gaari ee waxyeelada Ba’an uu ka soo gaaray Ciidamada Maamulka iyagoona Sheegay in ay aad uga xunyihiin Shilkaasi ka dhacay Deegaanka Heelaayo.
Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Max’ed Max’uud Siilaanyo ayaa waxa uu tacsi udiray ehellada Askartii ku geeriyootay Shilkaasi Gaari isagoo intii dhaawaca uu ka soo gaaray shilkaasi alla uga baryay in Caafimaad taama uu siiyo.
Ku dhawaan 30 Askari oo waxyeello ay ka soo gaartay Shil Gaari oo ka dhacay Duleedka Magaalada Hargeysa.
↧
Shil Askar ay ku geeriyoodeen oo ka dhacay Soomaaliland
↧