Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dowladda Kenya oo ku eedaysay dowladda Soomaaliya inay ka dambeyso qaraxyada iyo qalalaasaha ka taagan dalkeeda

$
0
0

Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay ku eedaysay saraakiil ka tirsan dowladdii KMG aheyd ee uu hogaaminayey Shariif Sheekh Axmed inay ka dambeeyaan dhibaatada ka taagan dalkeeda, gaar ahaan qaraxyada, dilalka iyo weerarada joogtada ah ee dalkeeda ka dhaca, gaar ahaan dhacdooyinkii ka dhacay magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi-bari.
Guddoomiyaha degmada Gaarisa Maxamed Macalin oo wareysi siiyey Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in rabshadaha iyo qaraxyada ka dhaca magaalooyinka waa weyn ee Kenya oo ay ku jirto Gaarisa ay ka dambeeyaan sida uu yiri dhalinyaro u dhashay dalka Kenya oo ka mid noqday ciidamada dowladda Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in dhalinyaradaasi ay tababaro horay ugu qaateen gudaha dalka Kenya, isagoo ku eedeeyay inay mas’uul ka yihiin falalka ammaan-xumo ee ka dhacaya Gaarisa oo ah xarunta gobolka Soomaalida-Kenya degaan.
“Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ka mid ahaa dowladdii uu hogaaminayey Sheekh Shariif oo tababaro ku qaaday gudaha dalka Kenya si ay qeyb uga qaataan dedaalo ay dowladda Kenya ku dooneysay inay ku taageerto dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya ayaa haatan waxay ku soo jeesteen dowladda Kenya, waayna fowdo ka bilaabeen gudaha Kenya, dhalinyaradaas iyo saraakiisha la socota ayaa fuliya qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya gudaha dalka Kenya” ayuu ku yiri Guddoomiye Macalin wareysiga uu siiyey Wargeyska The Daily Nation.
Sidoo kale Guddoomiyah degmada Gaarisa waxa uu sheegay in dhaliyaradaas dhibka ka wadda gudaha Kenya ay ku adkaatay inay sii dagaalamaan ayna dib ugu laabteen Kenya iyagoo hubeysan, isagoo xusay inay dhalinyaradaas qabaan tababaro heer sare ah, ayna iyagu yihiin kuwa ka dambeeya dhibaatada Gaarisa iyo guud ahaan Kenya ka taagan.
Magaalada Gaarisa ayaa waxaa tan iyo sanadkii hore ka dhacayey rabshado ay ka mid yihiin qaraxyo, weeraro iyo toogasho toos ah oo lala beegsanayo ciidamada iyo kaniisadaha ku yaala dalka Kenay, waxaana dhamaadkii sanadkii hore lagu dilay magaaladaasi 11 askari oo sideed ka mid ah ay ahaayeen booliis iyo seddex ka mid ahaa milateriga Kenya, waxaana xusid mudan in saraakiisha ciidamada dalka Kenya ay ku eedeeyeen weeraradii ka dhacay dalka Kenya sida degmada Gaarisa iyo Nairobi inay ka dambeysay Xarakada Al-shabaab, laakiinse hadalka Guddoomiyaha degmada Gaarisa ayaa taas meesha ka saaraya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>