Gaalkacyo(puntlandi.com);- Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa ka hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee gudaha iyo hareeraha Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey wuxuu Cambaareeyay weeraradii gaadmada ahaa ee ka dhacay hareeraha iyo gudaha Magaalada Gaalkacyo oo ay ku jiraan weerarkii maleeshiyada Koonfurta Gaalkacyo ay 2 qof ee safarka ku dishay wada wadaagsin ee isku xirta Jariiban iyo Gaalkacyo, Weerarkii Geelayda ee Caanateelka Barqa-maal, Weerarkii Jilable ee 5-ta qof ay ku dhimatay markii xooladhaqatadu ay ka jwaab celiyeen weerarkaasi iyo weerarkii Hotel Embasy ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa Maxamed Yusuuf Tigey ayaa ka digay in Jidgooyada Wadada wadaagsin ay sii jirto iyadoo wadada Hobyadana ay nabad tahay sigaoo arrinkaasi ka hadlayana wuxuu yiri guddoomiyuhu” waxaan cambaaraynaynaa falkii waxshinimada ahaa ee qaadacu dariiqnimada ahaa ee xalay ka dhacay wadada wadaagsin, taas oo noqotay jidgooyadu mid caadi ka noqota maleeshiyaanka dhinaca Galmudug in wada walba ay dadka ku laayaan oo wada walba ay dadka ku dhibaateeyaan, runtii taasna mid loo dulqaadan karo maaha, suurtagal maaha wadada hunguriga ah ee isku xidha Garacad ilaa iyo Gaalkacyo ee wadaagsin in lala mari waayo amni darro, in maalin walba dadka lagu laayo in baabuurta lagu dhibaatooyo, UDUL QAADAN MAYNO IN WADADA WADAAGSINA AY NOQOTO MEEL NABADGALYO LA’AAN AH OO DADKA LAGU LAAYO, WADADA HOBYANA AY NOQOTO MEEL NABAD AH”
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale Maamaulka iyo qaybaha kala duwan ee Galmudug ugu baaqay in ay Nabada taageeraan kana shaqeeyaan sidii bulshada Gobolkan uu wada noolaashahoodu u suurtagali lahaa, dhibaatooyinka jirana looga hortagi lahaa.
Shirka Jaraa’id ee Guddoomiyaha ayaa ku soo aadaya xilli gudaha iyo hareeraha Magaalada Gaalkacyo ay ka dahceen falal is xig-xigay oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba gaystay.
(Shirka Jaraa’id ee Guddoomiyaha oo uu uga hadlay dhinacyo badan oo Nabada Gobolka ah isagoo dhagaysi ah qaybaha dambe ayaanu idinkugu soo gudbin doonaa hadii uu alle idmo).
Cumaryare, Gaalkacyo.
www.puntlandi.com
↧
” U dulqaadan mayno in wadada wadaagsina dadka lagu laayo, wadada Hobyana ay Nabad noqoto” Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey).
↧