Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Fanaanada ugu da’da yar fanka Somalia oo sameysay !!!

$
0
0

Fanaanadda Qaali Axmed oo loo Yaqaano Qaali Ladan ayaa ah fanaanad kasoo baxday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyadoo soo saartay hees cajabisay dadkii daawaday taasoo ay ku muteysatay amaan maadaama ay tahay fanaanad la dhahi karo waa tan ugu da’da yar maanta gabdhaha heeso ee fanaaniinta Soomaaliyeed.
Qaali ladan iyadoo ah gabar aad u da’da yar ayaa waxey isku darsatay inay sameyso erayadii , laxankii iyo codkii heestaan Somaliweyn ee ay kusoo baxday , taasoo ah hees jaceyl ah oo ay talo u raadinayso dhibaatada jaceylka oo ah mid loo heeso had iyo goor. waxaana muusigga heesta garaacay muusikiistaha weyn ee Ceynba ceyn oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi.
Qaali Ladan ayaa loo hanbaliyeeyay iyo waxa uu Ilaah siiyay waxeyna u rajeynayaan inay noqoto gabar tusaale u noqota haweenka fanka ku jira ama doonaya inay soo galaan maadaama ay ka maarantahay Qaali inay soo qaadato heeso kale oo horay loo qaaday oo ay sameysatay hees iyadu ay gaar u leedahay.
Halkaan Ka Daawo Heesta Qaalo Axmed.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>