Kufsiga lagula kaco haweenka inta badan marka la maqlo waxaa ku soo dhacaya qof kasta dalalka dunida sadexaad gaar ahaan Afrika & Aasiya, iyadoo meesha laga saaro in arinkaasi uu ka jiro wadamada reer Galbeedka oo aaminsan xiligan inay meel sare ka joogaan ilaalinta wax ay ugu yeeraan xuquuqda haweenka.
Dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo (ex Zair) wuxuu ka mid yahay wadamada ugu horeeya ee saxaafada caalamka sida weyn uga hadasho marka laga eego falalka kufsiga haweenka arimahaasi oo loo aaneynayo dirirta colaadeed ee dalkaasi ka aloosan iyo waliba nidaam xukun oo aan ka jirin deegaano badan oo ka mid ah dalkaasi.
Laakiin in laga hadlayo kufsiga ka jira wadamada ugu horeeya nidaamka dawladeed iyo sharciyada waxaa soo baxaya qaracan iyo yaab, waana taasi mida keentey in lagu soo baraarugo xiligan kufsiga hablaha loogu gaysto wadanka Mareykanka oo noqdey sida tusbax laga jarey.
Daraasad cusub oo la soo saarey ayaa sheegaysa in guud ahaan haweenka ku dhaqan dalka Mareykanka 20% oo la mid ah 10-kiiba labo in loo geystey kufsi ama in ay la kulmeen dhibaatooyin ku saleysan isku day kufsi oo nolashooda saameeyey.
Hay’adda cilmi baarista ee lagu magacaabo Centers for Disease Control waxay sheegtey in 25% haweenka ay kala kulmaan gaboodfalo lamaanayaashooda ragga ama kuwa isu dhaxaan (isbqabaan).
Kufsiga haweenka loo geysto waxaa hareer socda kufsi oo loo geysto ilmaha yar yar ee labka iyo waliba kuwa kale oo lagula kaco ragga laftigooda.
Wabrixintu waxay sheegaysaa in 24 qof daqiiqad kasta loo geysto falal ku saleysan kufsi, rabsho & hadalo xiisadi ku dheehan tahay.
Qabiiro ka tirsan Centers for Disease Control and Prevention (CDC) waxa ku sheegeen sanadkii ugu horeeyey daraasad qaran oo laga soo saarey Mareykanka in mudo sanad ah bilood 12 milyan oo haween ah lagu kufsadey wadanka Mareykanka, taasi oo ka dhigan in bil kasta 1 milyan oo haween ah lagu kufsado dalkaasi.
Dr Linda Degutis, oo ah agaasimaha hay’adda CDC qaybteeda National Center for Injury Prevention and Control (xarunta qaranka ee ka hortaga & xakameynta dhaawacyada) wuxuu sheegay in 35% haweenka la kufsadey ay da’doodu ka hooseyso 18 sano, halka inta kalena iyagoo ah dad waa weyn kufsi lagula kacay.
Sidoo kale daraasadu waxay sheegtey 25% dadka la kufsadey ee Labka ah ay yihiin ilmo yar yar oo da’doou ka yar tahay 10 sano.
↧
Dr. Linda Degutis “Mareekanka Dumarka & ragga isku si ayaa loo kufsadaa”
↧