Kadib markii Xarakada Al Shabaab ay qiratay inay ku biirtay Ururweynaha Al Qaacida, ayay taasi go’aan cad ka qaadatay Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, inkastoo ay sheegtay inaysan waxba soo kordhin doonin ku biirista Al Shabaab ee kooxda Al Qaacida.
Raa’isal Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaanshaandhiga ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dowladda Soomaaliya aysan wax gorgortan ah la-gelli doonin Xoogaga Shabaab.
Wuxuu tilmaamay in mid lagama maarmaan ah ay tahay in lala dagaalamo kooxda Al Shabaab, isla-markaana wuxuu hoosta ka xariiqay inay u diyaar garoobeen la-dagaalanka Xoogaga Shabaab, sida uu yiri.
Sidoo kale wuxuu balan qaaday in Dowladda Soomaaliya ay dhawaan hawl-gallo balaaran ka sameyn doonto Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya, kuwaa oo uu sheegay inay ku baacsan doonaan Al Shabaab.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya mudane C/Samad Macalin Maxamuud, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dowladda Soomaaliya ay u qalab qaadaneyso Xoogaga Shabaab, isla-markaana wuxuu ka dhawaajiyay inay wiiqi doonaan dhawaan.
Iskusoo wada-duuboo Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya mudane C/Samad Macalin Maxamuud, ayaa wuxuu sheegay inay ku wajahan yihiin goobaha ay ku sugan tahay kooxda Shabaab.
↧
Wasiiro cul culus oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqay inay u dhamaatay Xarakada Al Shabaab
↧