Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Ciidamadda Dowladda Kenya iyo Xarakada Al Shabaab oo markale dagaalo faraha looga gubtay iskaga hor yimid

$
0
0

Dagaalo xoogan oo khasaaro xoogan ayaa waxay maanta dhex mareyn Ciidamadda Xarakada Al Shabaab iyo Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya oo garab ka hellaaya Ciidamadda Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Dagaalada ayaa waxay maanta ka dhaceen Deegaanka Buusaar ee duleedka Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo, isla-markaana dagaalada ayaa waxay daba-socdaan dagaalo kaloo xoogan oo xalay ka dhacay Deegaanka Buusaar.
Dagaalada labada dhinac ku dhex maray Deegaanka Buusaar, ayaa waxay ahaayeen kuwo aad u xoogan, kadib markii ay isku adeegsadeen qeybaha kala duwan ee hubka, kuwaa oo si weyn u ruxay gees ka gees Deegaanka Buusaar.
Dagaaladaan oo soconaayay muddo dhan hal saac oo xiriir ah, ayaa waxaa labada dhinac ka soo kala gaaray khasaarooyin kala duwan oo iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo baabuur la-sheegay in Ciidamadda Dowladda Kenya laga gubay.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Xoogaga Shabaab dib loogu celiyay deegaanadii ay weerarada ka soo qaadeen, isla-markaana xaaladda Deegaanka Buusaar ayaa waxay xilligaan taahy mid deggan.
Iskusoo wada-duuboo dagaalada ka soconaaya Gobolka Gedo ee u dhaxeeya dhinacyada iska soo horjeeda, ayaa waxay maal-mahaan noqdeen kuwo joogto ah oo geysanaaya khasaarooyin kala duwan, oo labada dhinac ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>