Garowe (RBC) Shirkii wadatashiga ee dhinacyada siyaasada Soomaaliya uga furmay galabta magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa markii ugu horeysay waxaa ka soo qeybgalay sarkaal ka socda dawlada Ethiopia.
Sarkaalkan ayaa ah wakiil la sheegay inuu Ethiopia u fadhiyo magaalada Garowe kaasoo maanta markii ugu horeysay lagu arkay madasha shirka ee xarunta jaamacadda PSU.
Ka qeybgalayaasha shirka gaar ahaan wufuudii ka timid Muqdisho iyo Galmudug ayaa aan ka warheyn in wakiil ka socda Ethiopia uu shirka imaanayo, maadaama qeybtii hore ee shirka oo dhacay bishii Diseembar aysan wax wakiil ah oo Ethiopia uga soo qeybgalay shirka.
Markii khudbadaha shirka ay bilawdeen galabta abaare 3:30 galabnimo [waqtiga Soomaaliya] ayaa madaxda qaar waxay khudbadahooda ku salaameen wakiilka Ethiopia, iyadoo madaxweyne Faroole uu ku tilmaamay inuu yahay qunsuldawlada Ethioppia u jooga Garowe. Hase yeeshee masuuliyiinta kale ayaa iyagu u adeegsaday erey kale oo ah “wakiilka Ethiopia ka socda”.
Rag ka mid ah wufuuda shirka joogta ayaa u sheegay wariyaha Raxanreeb in marka laga tago dhinacyada Soomaalida, in shirka ay ku martiqaadnaayeen ururada IGAD, UNPOS, Midowga Afrika, halka uu maanta yimid wafdi ka socda dawlada Jabuuti oo uu horkacayo Xaamid Cabdi Suldaan oo ah wasiirka diinta Jabuuti.
Xafiiska UNPOS oo qabanqaabada shirka watay ayaan ka hadlin arintan iyadoo sida muuqata dhanka Puntland uu ka soo galay wakiilka Ethiopia ee galabta fadhiyey shirka Garowe.
Ereyadii Caalin
Dhanka kale furitaankii shirka ayaa madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin wuxuu aad ugu cawday in lagu cadgudbay qodobadii ka soo baxay shirkii hore ee “Garowe 1″ ka dib markii, sida uu sheegay DFKMG ah iyo Puntland ay iska magacawdeen guddiyo gaar ah oo aysan Galmudug wax war ah ka heyn.
Caalin oo markii uu hadalka bilaabayayey careysnaa ayaa xitaa mar yiri “LABADA SHARIIF MIDKOOD HADAAN LACEYRIN WELIGOOD MAGACYADOODA LA ISKU KHALDAYAA” ka dib markii uu isku khalday magacyada Shariif Xasan iyo Madaxweyne Shariif Axmed.
Caalin ayaa sidoo kale u mahadceliyey “HAWEENKA GAROWE” oo uu sheegay inay soo dhoweeyeen halkii uu u mahadcelin lahaa madaxweynaha iyo maamulka Puntland taasoo nuxnux hoose ka abuurtay shirka dhexdiisa.
RBC Radio
↧
XOG: Sarkaal ka Socda Dawlada Ethiopia oo Maanta Shirkii Garowe ku soo Biiray
↧