Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Munaasabad lagu soo dhoweeynayay Maareeyaha cusub Golaha Murtida, Madadaalada iyo Farshaxanka oo lagu qabtay Tiyaatarka

$
0
0

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhoweynayay Maareeyaha cusub ee Golaha Murtida, Madadaalada iyo Farshaxanka Abwaan Cabdi Dhuux ayaa galabta ka dhacday Xarunta Tiyaatarka.
Xafladan oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, degmooyinka, Madaxa Hey’adda CRD Jabriil Ibraahim Cabdulle, Fanaaniin, Abwaano, haween ku labisnaa hidadaha iyo dhaqanka iyo dadweyne kale.
Abwaan Maki Xaaji Banaadir ayaa ugu horeyn Xaflad ka qaaday Hees lagu soo dhoweynayay Maareeyaha cusub, kaasoo ay la jiibinayeen Fanaaniinta Hobolada kala duwan oo muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin howsha qaran ee loo dhiibay Abwaan Cabdi Dhuux.

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Ammaanka Warsame Maxamed Xasan (Warsame Joodax) oo ka hadlay xaflada ayaa soo dhoweeyay magacaabista, isagoo sheegay inay la shaqeyn doonaan Maareeyaha cusub, waxaana uu tilmaamay in Cabdi Dhuux uu yahay abwaan suugaan yahan ah.

Deeqo C/qaadir Axmed Gudoomiyaha degmada Wardhiigley ee dhowaan loo bixiyay Warta Nabada ayaa sheegtay in Xarunta National Theatre ay u furi doonaan Accoun lacago lagu uruurinayo si loo dhiso Tiyaatarka, iyadoo cadeysay in Maamulka degmada oo ah halka ay ku taalo uu kaalin wanaagsan ka qaadan doono.
Maareeyaha cusub ee Golaha Murtida, Madadaalada iyo Farshaxanka Abwaan Cabdi Dhuux ayaa sheegay inuu si cadaalad ah ugu shaqeynayo Umada Soomaaliyed, isagoo ka dalbaday fanaaniinta, dowladda iyo shacabka Soomaaliyed inay la shaqeeyaan.

Munaasabadan oo aheyd tii u horeeyay ee nooceeda ayaa fanaaniinta ka qeyb galay waxay ku muujiyeen shucuurtooda, iyagoo ku soo bandhigay heeso wadaniyad xambaarsanaa, waxaana ay muujineysay bilowga hanaqaadka fanka Soomaaliyed, sidii boorka looga jafi lahaa, saldhigiisana looga ambaqaadi lahaa gaar ahaan Golihii Murtida iyo Madadaalada.
12-kii bishan ayay aheyd markii Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu magacaabay Maareeyaha cusub ee Golaha Murtida, Madadaalada iyo Farshaxanka 20-sano kadib.
Ugu dambeyn Golaha Murtida iyo madadaalada ayaa dhowaan lagu wadaa in lagu dhigo ruwaayadii u horeysay ee shacabka Soomaaliyed loogu soo bandhigayo, taasoo noqoneysa markii u horeysay 20-sano kadib lagu dhigo








Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>