Kulan aad loo sugayay oo dhex maray labada kooxood ee AC Milan oo hogaanka u haysa horyaalka dalka Talyaaniga iyo kooxda Arsenal oo kaalinta afaraad kaga jirta horyaalka Ingiriiska ayaa caawa ka dhacday garoonka San Siro ee magaalada Milan.
Kulankan oo ka mid ahaa wareega 16ka ee horyaalka Championka ayaa noqday mid ku soo dhamaatay natiijo aan hore loo saadaalin kadib markii kooxda Arsenal ay dhabarka u ridatay afar gool oo mid ka mid ah rigoore uu ahaa.
Afarta gool ayaa waxaa garoonka ku bilaabay ciyaaryahanka K.Boateng daqiiqadii 15aad waxana u labeeyey Robinho daqiiqadii 38aad waxaana lagu kala nastay 2-0.
Kooxda Arsenal ayaa soo gelisey qeybtii labaad ee ciyaarta laacibkeeda ay amaahda ku keensatay ee Henry oo kulankan uu ahaa kii ugu dambeeyey ee uu u safto kooxda Arsenal. hase ahaatee intii laga sugayay goolasha Henry iyo Van Persie ayaa Robinho oo u shidneyd caawa waxa uu goolkii 3aad dhaliyey 4 daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad ee ciyaarta.
Kooxda AC Milan oo wacdaro dhigtey ayaa goolkeedii 4aad waxa uu ahaa rigoore iyadoo uu rigooradaasna u dhaliyey laacibkooda Ibrahimovic.
Ibrahimovic ayaa ahaa laacibkii caawa sida weyn uga dhex muuqday kooxdiisa waxana uu bixiyey baasas la yaab leh oo goolal ay ku dhasheen.
Kooxda Arsenal ayaa rajadii ay ka qabtay inay ka soo baxdo wareegan uu ceel dheer ku dhacay waxaana laga doonayaa in marka ay garoonkeeda kumartigeliso kooxda AC Milan inay shan gool oo nadiif ah ka dhaliso kooxda daafacanaysa horyaalka Talyaaniga.
Sidoo kale kulan ay isaga horyimaadeen kooxada Zenit iyo Benfica ayaa kooxda Zenit waxa ay ku badisey 3-2 gool.
Labo gool oo ahaa qalad uu sameeyey goolhayaha kooxda Zenit ee Yuri Zhevnov ayaa waxaa ay kooxda Benfica u noqotay labo gool oo ay garoonkooda ma ahanee garoon kale ay ku dhaliyeen inkastoo 3-2 loogaga adkaaday ciyaar ka dhacday garoonka Petrovskiy Stadium iyadoo uu jirey qabow aad u daran.
Labada gool ayaa waxaa kooxda Benfica u kala dhaliyey koscar Cardozo iyo Bereire halka uu kooxdiisa Zenet labo gool u dhaliyey laacibkooda Roman Shirokov iyo Sergei Semak.
Hase yeeshee kooxda Zenit ayaa rajaynaysa in uu ka soo kabto dhaawaca goolhayahooda koowaad Vyacheslav Malafeev kulanka muddo saddex toddobaad ah.
Kooxda Zenit ayaan laga dhalin lahayn labada gool ee caawa laga dhaliyey haddii uu goolhayahahooda koowaad uu u qaban lahaa ciyaarta sida ay sheegeen dadka ka faalooda arrimaha ciyaaraha dalka Ruushka.
↧
Arsenal oo lagu rafaadsaday garoonka San Siro kadib markii 4-0 loogaga badiyey +(sawiro)
↧