4
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa la filayaa inuu toddobaadka dambe cod u qaado sidii loo kordhin lahaa tirada ciidammada nabad-ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) ee ka hawlgala magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.
Sida ay faafisay shalay wakaaladda wararka ee REUTERS oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay, Golaha Ammaanka ayaa toddobaadka soo socda qorsheynaya inay u codeeyaan kordhinta tirada ciidammada Midawga Afrika ee hawlgalada nabad-ilaalinta ah ka wada Soomaaliya.
Kulanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo dhacaya toddobaadka soo socdam ayaa la sheegay in diiradda lagu saari doono qoraal ku saabsan kordhinta ciidammada AMISOM ee Soomaaliya jooga oo uu u gudbiyey Midowga Afrika, waxana la saadaaliyey in Golaha Ammaanku uu isku raaci doono qaraarkaas qabyada ah ee ku saabsan kordhinta tirada ciidammada AMISOM.
Qaraarka lagu wado in Golaha Ammaanku codeeyaan, ayaa tilmaamaya in tirada ciidammada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya la gaadhsiiyo ilaa 17,700 (toddoba iyo toban kun iyo toddoba boqol) oo askari, iyadoo ciidammada AMISOM ee hadda ka hwlgala Soomaaliya dhan yihiin ilaa 12,000 (laba iyo toban kun) oo askari.
Midowga Afrika ayaa hore Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga codsaday inay ansixiyaan qorshaha lagu kordhinayo ciidammada AMISOM oo magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda kula dagaallama Al-shabaab si dagaalka loogu baahiyo gobollada waddanka Soomaaliya ee gacanta ugu jira kooxdaas, waxana la filayaa in dalabkani meel maro toddobaadka soo socda.
Kordhinta Golaha Ammaanka ee ciidammada AMISOM, ayaa ku soo beegantay xilli saraakiisha Al-shabaab ay sheegeen inay ku biireen ururweynaha Al-qaacida oo dagaal ba’an kula jira dwladaha reer galbeedka iyo kuwa islaamka ee xulufada ah, waxana la sheegay in sidoo kale Golaha Ammaanku uu meel marin doono in qalab casri ah la siiyo ciidammada AMISOM.
Togdheernews
↧
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo Qorshaynaya Inuu u Codeeyo Kordhinta Tirada Ciidammada AMISOM
↧