Muqdisho (Sh.M.Network) Allaha U Naxariistee Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho Lagu aasay Max’ed Cali Nuxurkey oo Kamid ahaa Howl Wadeenada Idaacadda Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho kaasi oo u geeriyooday Dhaawac ka soo gaaray Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Ex-Fiyoore ee Magaalada Muqdisho.
Wariye Nuxurkey ayaa waxaa lagu Aasay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho Gudihiisa.
Agaasimaha Idaacadda Mustaqbal Aweys Xaaji Nuur ( Aweys Aar ) ayaa Idaacadda Shabelle u Xaqiijiyay in Wariyaha Lagu aasay Isbitaalka Madiino ee Magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay Agaasimuhu in Aaskiisa ay ka qayb galeen qaybaha Warbaahinta Kala duwan ee ka howl Gala Magaalada Muqdisho iyo Ehellada iyo Qaraabada Wariyahaan
↧
Wariye Nuxurkey oo Lagu Aasay Magaalada Muqdisho
↧