Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Lacago Loo soo waday Koofurta oo Lagu qabtay Deegaanno Ka tirsan Puntland

$
0
0

Boosaaso  (Sh.M.Network) Ciidamada Ammaanka ee Maamulka Puntland ayaa Gacanta ku dhigay Lacago Fara badan oo shilin Soomaali ah kuwaasi oo Laga Kala qabtay Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.
Wararka Laga helayo Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Lacag Gaareysa 90 Million oo shilin Soomaali ah oo loo soo waday Koofurta Soomaaliya ay Ciidamada Ammaanka Puntland Gacanta ku dhigeen iyo Boqol Million oo shilin Soomaali ah oo iyana ay Gacanta ku dhigeen oo Garoowe Ciidamadu ay ku qabteen kuwaasi oo iyana loo soo waday Koofurta Soomaaliya waxaana Saraakiisha Puntland ay sheegeen in gaarigii Lagu arkaa isagoo sida Lacago shilin Soomaali ah Laga qaadi doono Tallaabo Sharciga Waafaqsan Gaarigana Lagala Wareegi Doono.
Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Puntland Cabdi Warsame Qoodhan oo shir Jara’id qabtay ayaa waxa uu sheegay in wixii Haatan Kadambeeya Maamulka aanu u dul qaadan Doonin in  Lacagaha shilinka Soomaaliga laga daabulo Deegaanada Maamulka Puntland islamarkaana Tallaabo ay ka qaadi doonaan Cidii Lagu helaa arrinataasi.
Maaha Markii ugu Horeysay oo Maamulka Puntland ay gacanta Ku dhigaan Lacago shilin Soomaali ah oo loo soo siday Koofurta Soomaaliya kuwaasi oo ay soo daabulaan Ganacsato Soomaaliyeed.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>