Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Xildhibaanno Baarlamaankii KMG ka tirsanaa oo ku Baaqay in Loo Gurmado dad ku dhibaateysan Xudur

$
0
0

Muqdisho  (Sh.M.Network )  Xubnahani Ka tirsan Baarlamaankii Hore ee Soomaaliya ee Maanta Kulanka ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa kulankooda waxa ay Diiradda Ku saareen xaaladda Beni aadmi nimo ee Ka soo Cusboonaatay Gobolka Bakool ee Galbeedka Soomaaliya.
Axmed Sheekh Max’ed ( Luxus ) oo ka mid ahaa Mudanayaashii Hore ee Baarlamaanka ayaa waxa uu walaac Xoogan Ka muujiyay Xaalado Beni aadmi nimo oo ka taagan Xarunta Gobolka Bakool ee Magaalda Xudur oo Dhawaan Muddo sanad ah Kadib ay gacanta u gashay Xarakada Al Shabaab.
Axmed Sheekh Luxus ayaa waxa uu sheegay in Shacabkii ku dhaqanaa Magaalada Xudur ay  qaarkood u Firxadeen Xadka Ethopia halkaasi oo uu sheegay in ay ku heystaan Hoy La’aan ,Cunno Xumo iyo Biyo La’aan isagoona Hoosta Ka xariiqay in Dhowr Caruur ah ay u geeriyoodeen Biyo La’aan Darteed isagoona Ku dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay gabtay Kaalintii Kaga aadaneed samata Bixinta dadkaasi Ka cararay Xarakada Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Cabdi Rashiid Aadan Gabyoow oo ka mid ah Siyaasiyiinta Ka soo Jeeda Gobolka Bakool ayaa waxa uu ugu Baaqay Hey’adaha Samafalka ee Deeqaha Bixiya in ay lagaaraan Sahay Gar gaar dadkaasi ku dhibaateysan Xadka ay wadaagaan Dowladaha Soomaaliya iyo Ethopia.
Sikastaba Ha ahaatee Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool oo Haatan gacanta ugu Jirta Xarakada AL Shabaab ayaa noqoneysa Degmadii ugu Horeysay oo ka baxda Gacanta Dowladda Tan iyo Markii uu talada dalka la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>