Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Guddoomiye Ku Xugeenka arrimaha Bulshada Sh/Hoose oo ka bad baaday Iskuday dil

$
0
0

Afgooye (Sh.M.Network) Guddoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa Ka bad baaday iskuday dil.
Wararka Laga helayo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay Xaqiijinayaan in Xalay Kooxo hubeysan ay weerar Ku soo qaadeen Hoyga uu degmadaasi Ka Deganyahay Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose dhinaca arrimaha Bulshada Max’ed Cumar Carabeey.
Carabeey oo Lahadlayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sharaxaad Ka bixiyay qaabka uu u dhacay iskudeygaasi dil ee Xalay La doonayay in Lagu qaarijiyo.
Guddoomiye Ku Xigeenka dhanka arrimaha Bulshada ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa uu sheegay in ay soo weerareen Kooxo Hubeysan islamarkaana Gurigiisa ay ku soo Rideen dhowr Bambaano oo kuwa Gacanta Laga Tuuro ah islamarkaana ay Tacshiirad Huwiyeen Ciidamo ilaalo u ah oo xilligaasi ku sugnaa Afaafka Hore ee Hoyga uu Ka deganyahay Degmada Afgooye.
Guddoomiye Ku Xigeenka ayaa sheegay in weerarkaasi Lagu soo qaaday ay iska Caabiyeen kaasi uu sheegay in ay ka dambeeyeen Xarakada AL Shabaab.
Shalay ayaa Gudaha Degmadaasi Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka dhacay Qarax Bambaano oo sida La sheegay Geystay waxyeello Xoogan iyadoo Maamulka degmadaasina uu Wacad Ku maray in ay wax ka qaban doonaan Falalka Ammaan darri ee ku soo Noq noqday Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>