Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Ingiriiska oo Dowladda iyo Soomaaliland kala hadlaya Shirka May Ka furmaya London

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Xilli La Filayay in Bisha Soo socoto ee May Magaalada London ee Caasimadda Waddanka Ingiriiska uu ka dhaco Shir ay isugu imaanayaan Madaxda Soomaaliya iyo Maamulka La Magac baxay Soomaaliland hadana dowladda Ingiriiska waxa ay waddaa dadaallo ay Kulamo kula qaadaneyso Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland si Labada dhinac Looga dhaadhiciyo ka qayb galka Shirka London.
Wafdi Ka socday dowladda Britain oo uu Hoggaaminayay Masuulka u qaabilsan Ra’isal Wasaaraha waddankaa Ingiriiska dhinaca Ammaanka ayaa shalay soo gaaray Muqdisho isagoo uu Wehliyo Safiirka dowladda Ingiriiska U fadhiya Soomaaliya waxaana ay La Kulmeen Madaxdweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud.
Kulan Saacado qaatay oo ku dhex maray Xarunta Madaxtooyada Villa Sooamaliya ayaa La Taliyaha Ra’isal Wasaaraha Ingiriiska isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh kulanka ay qaateen waxa ay diiradda ku saareen qaabka uu u qabsoomayo Shirka London ee La Filayo In Bisha May halkaasi uu ka furmo.
Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa Lagu soo warramayaa in ay aqbaleen ka qeyb galka Shirkaasi iyo Ajandaha Looga hadlayo Intaba.
Dhinaca Kale Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Max’ed Max’ud Siilaanyo oo ku sugan dalka Ethiopia ayaa waxa uu Kulamo La qaatay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Ingiriiska iyadoo Axmed Siilaanyo Madaxweynaha Maamulka La Magac baxay Soomaaliland uu u sheegay Masuuliyiinta uu La kulmay ee ka tirsan dowladda Ingiriiska in Shirkaasi dhankooda aanu waxba ka quseyn kana qeyb geli doonin.
Shirka London ee May ayaa waxaa Ka Horeeya shir dhawaan La filayo in uu ka dhaco Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kaasi oo ay ka qayb galayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Midka Maamulka Isku Magacaabay Soomaaliland.
Axmed Siilaanyo ayaa inta aanu Ka amba bixin Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulkiisa ayaa shir Saxaafadeed uu u qabtay Warbaahinta waxa uu sheegay in uu ka qeyb galayo Shirka Istanbul ee dalka Turkiga.
Inkastoo uu shalay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uu Amba baxay Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa hadana waxaa Maalinta birito ah isna La filayaa in halkaasi uu u boqoolo Madaxweynaha Soomaaliya Xasaan Sheekh Max’ud.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>