Muqdisho(Sh.M.Network) Wasiirka Kheyraadka dalka C/Risaaq Cumar Max’ed oo Lahadlayay Idacaadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Naato aanu Xal u Noqon Karin Ka hortagga Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida.
Wasiirka ayaa sheegay in Burcad badeeda ay Ka soo Askumeen Barriga islamarkaana Maraakiib Biyaha Jooga aanu wax Ka qaban Karin ee Loo baahanyahay in dib u dhis Lagu Sameeyo Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed si Barriga ay ugala dagaalamaan Kooxahaasi Burcad badeeda.
C/Risaaq Cumar Max’ed Wasiirka kheyraadka dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa Xusay in dowladda Soomaaliya ay si ka duwan dagaal oo Xeeladeysan ay Burcad badeeda uga sii deysay Lahaystayaal Gacanta ugu Jiray Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida Kadib Markii ay wada hadal La furtay Kooxahaasi.
Sikastaba Hadalka Wasaaradda Kheyraadka dalka ayaa Imaanaya Xilli Biyaha Soomaaliya ay ku suganyihiin Maraakiib Shisheeye Kuwaasi oo qeyb ka ah Howl Galka Atlanta ee La dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida.
↧
Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in Nato aysan Xal u Noqon Karin Ka hortagga Burcad badeeda
↧