Bujumbuura (Sh.M.Network) Madaxweyne Ku Xigeenka dowladda Burundi Gervais Rufyikiri ayaa kadib kulan ay qaateen isaga iyo Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid waxa uu sheegay in Dowladdiisa ay Soomaaliya Ka taageereyso dhanka Ammaanka.
Gervais Rufyikiri Madaxweyne Ku Xigeenka Burundi ayaa Xusay in Ciidamada dowladda Burundi ay kaalin Wanaagsan ka qaateen Howl galka Midowga Afrika ee Soomaaliya islamarkaana ay Ka Go’antahay in ay sii laba Jibaaran.
Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo shalay Gaaray dalkaasi Burundi ayaa uga Mahad Celiyay dowladda Burundi dowrka ay Ka geysatay Howl Galka Nabad Ku soo Dabaalidda dalka Soomaaliya.
Dowladda Burundi ayaa Ka mid ah Dowladaha ugu Muhimsan ee Ku jira Howl Galka AMISOM ee Nabad ilaalinta Soomaaliya.
↧
Dowladda Burundi oo Xaqiijinta Ammaanka Ka taageereysa dowladda Soomaaliya
↧