Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cambaareeyay Qaraxyadii ka dhacay dalka Mareekanka

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network ) War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu cambaareeyay Qaraxyadii xalay ka dhacay dalka Mareykanka.
Hadalka Qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu xusay in falkii ka dhacay magaalada Boston ee wadanka Mareykanka oo ay ku geeriyoodeen Saddex ruux halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 100 Ruux uu ahaa mid fulaynimo ah oo ay soo maleegeen kooxaha argagixisada ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tacsi u diray Qoysaska dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadii xalay ka dhacay dalkaasi Mareykanka.
“ waalaga guuleysan doona kooxaha argagixisada ah ee rabshadaha u adeegsada sidii ay u jeedkooda u gaari lahayeen” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Qaraxyada ayaa ka dhacay goob uu ka socday tartanka orodka maaratoonka oo ay ku sugnaayeen dad badan oo isugu jiray daawadayaal iyo orodyahanno.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>