Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

War-saxaafadeed: Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Tacsi u Diray Xildhibaan ka Geeriyooday Golaha Guurtida

$
0
0

war-saxaafadeeduu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-
“Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha madaxeynaha Jamhuurayada Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, XILDHIBAAN. CABDILAAHI SHEEKH XASAN CISMAAN oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa Maanta 16/04/2013.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Marxuumka ku tilmaamay Oday ka baxay Bulshada Somaliland oo door-muhiima ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u heshiisiintii beelaha Somaliland ee walaalaha ah, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa golaha mudo dheer oo aad u qaaliya laguna xasuusan-doono marxuumka.
Madaxwayne ku-xigeenku ahna ku simaha madaxweynaha JSL, waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii Gollayaasha qaranka iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. “
HARGEYSA SOMALILAND


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>