Muqdisho (Sh.M.Network) Ciidamo Ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhac u Geystay Gaari ay Saaraayeen dad Rayid ah oo Marayay inta u Dhexeysa Degmada Afgooye iyo Deegaanka Lambar 50 Sida Idaacadda Shabelle ay U Xaqiijiyeen Darawalkii Gaariga dhaca Loo Geystay iyo qaar ka mid ah Rakaabka Gaarigaasi.
C/Laahi Max’ed Max’ud ( Max’ed Qaliirow ) oo ah Darawalka Gaarigaasi ayaa Idaacadda Shabelle uga warbixiyay Sida ay Wax u dheceen, isagoo sheegay in Rag Hubeysan oo Kulabisan Dhar Shibil ah ay ka qaateen dhammaan Mobiladii ay wateen dadkaasi Rakaabka ahaa wuxuuna intaasi kudaray in dhacdadaasi Kadib ay Goobta soo Gaareen Ciidamo Kulabisan Dareeska Milatariga islamarkaana ay u sheegeen in ay dhac U Geysteen 6 Nin oo Goobta ka ag dhawaa hase Yeeshee Ciidamada Milatariga iyo Lixdii Ninba ay Horay isku Raaceen.
Sidoo Kale Mid ka mid ah Rakaabkaasi oo ahayd Haweeney ayaa Shabelle u Xaqiijiyay in Raggaasi ay isku Dayeen in ay Kufsadaan islamarkaana ay ula dhaqaaqeen Duurka Balse Dhiiga oo U Joogay Darteed ay Ka bad baaday Falkaasi Kufsiga ah.
Dhinaca Kale Darawalka gaarigaasi ayaa sheegay in Gaari Ka Horeeyay ay Kooxo Hubeysan ay U Geysteen dhac iyagoona Rasaas ooda kaga qaaday Rakaabkii saaraa Gaarigaasi waxaana Ku dhimatay Labo Ruux oo Ka mid ahaa dadkii Ku safrayay inta u dhexeysa Afgooye iyo Lambar Konton.
↧
Ciidamo Labisan Dareeska Dowladda oo dad Rayid ah Ku dhacay Deegaanno ka tirsan Sh/Hoose
↧