Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Jaaliyada Somaliland Ee Ku Dhaqan Magaalada Ottawa Oo Banaanbax Balaadhan Ka Sameeyay Safaarada Ingiriiska Horteeda

$
0
0


 
 
 
 
Waxaa shalay saacadu markay ahayd 1:00 duhurnimo banaanbax isuguyimiday dadwayne aad utira badan dad waynahaas oo ahaa jaliyada reersoomaaliland ee kunool caasimada canada iyo nawaaxigeedan,dadweynahan oo ka koobnaa siyaassiyiin aqoonyahan haween dhalinyar rag iyo dumarba leh
Waxaa iyaguna banaan baxan kasoo qayb galay dadwayne ka socday walaalheena  koon fureed oo uu hogaaminaayay DRCIYOW,waxaa uguharaynba qudbad aad uqiimabadan halkaas ka jeediyayay DR TAANI oo cadeeyaya in jiritaanka soomaaliland yahay wax aan cidina ku gorgortami karin waxa kale oo uu drtaani kahadlay soomaaliland labaatankii sanadood een soodhaafnay wax yaabihii u qabsoomay inaanay AL-SHABAAB soomaaliland ku noolayn inaan shirka london aanu ku dirqiyi karin midnimo soomaaliyeed oo dambe. waxaa iyaguna hadalo aad u qiima badan halkaas ka jeediyay madaxda soomaaliland community,wax yaabaha cajiibka ah dadwaynihii halkaas isugu yimi waxay taagnaayeen laba saacadood oo safaarada ingiriiska horteeda waqtigan aan kujirnaayi waqtigii qabowga aadka ubadnaa laakiin dadwaynahaasi umayna joojin waxaa kamuuqatay sida ayuga go antahay gooni isku taaga soomaaliland iyo inay na kadaalayn ilaa ay helayaan aqoonsi waxaanu ku dhamaaday banaan baxii guul iyo nabadgalyo.
Axmed Garaad Idhanka, Ottawa


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>