Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Uganda oo dalbatay dad aqoon yahano ah in lagu soo biiriyo ciidamada Soomaaliya.

$
0
0


M/weynaha wadanka Uganda Yoweri Museveni oo ka hadlayay shirkii Addis-Ababa ka dhacay ayaa sheegay in Soomaaliya ay joogto waqtigii ay heli laheyd ciidamo tayaysan oo qibrad uleh sugida amaanka dalka
M/weynaha Uganda waxaa uu sheegay in Soomaaliya ooku soojirtay dhibaato sanado badan jiray ay hadda hayso tubta nabada iyo hormarka waxa ka dhimana ay yihiin taageero caalami ah iyo in la aas aaso ciidamo asluub leh oo wax ka qaban kara dhibaatada amaan ee dalka qeybo ka mid ah ka jirta.
Yoweri Museveni waxaa uu talo ahaan usoo jeediyay in la qaado tilaabooyin lagu kobcinayo ciidamada amaanka Soomaaliya waxaana uu hoosta ka xariiqay inay lagama maar maan tahay in ciidamada lagu soo daro dhalinyarada aqoonyahanada ah ee shaqo la’aantu haysato taasoo uu tilmaamay inay wax badan ka badali karto hab dhaqanka ciidamada Soomaaliya.
Sidoo kale M/weynaha Uganda Yoweri Museveni waxaa uu is tusiyay in caalamka looga fadhiyo inay Soomaaliya ciidamada u dhisaan waliba lagu taageero dhaqaalo iyo agab ciidan bacdamaa Soomaaliya si hor dhaca looga qaaday cuna qabateyntii hubka ee saarneyd.
Uganda waxay ka mid tahay dawlada ay ciidamada ku shaqeeya magaca AMISOM ka joogaan Soomaaliya dawlada Soomaaliyana ka taageera dagaalka  Al-Shabab.
‘Buraannews.com- Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>