M/weynaha wadanka Kenya oo ka laabtay shirkii Addis-Ababa lagu soo gabo gabeeyay ee ay yeesheen madaxda ku jira urur goboleedka IGAD ayaa sheegayin qaxootiga Soomaaliyeed ee oo laga raro wadanka Kenya ay ku xiran tahay is af garad dhex mara madaxda dawladaha Soomaaliya iyoKenya.
M/weyne Uhuru Kenyatta waxaa uu sheegay in kastoo dalkiisa uu marti galiyay qaxooti fara badan oo Soomaaliyeed haddana ay jirto cabsila xariirta inaysan amaan aheyn goobihii ay dadkaas markii hore ka carareen waxaana uu intaa ku daray inuu madaxda d awlada Soomaaliya iyo beesha caalamka uu kala tashan doono arrinta ku saabsan in Kenya laga raro qaxootiga Soomaaliyeed.
“Daruufo badan ayaa heysta qaxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool waxaana ay u baahnaan doonaan in dib udajin lagu sameeyo marka dib loo rarayo” ayuu yiri M/weynaha Kenya oo warbaahinta dalkiisa war kooban siiyay.
Mar uuka hadlayay shirkii Addis-Ababa ka dhacay ayaa waxaa uu xusay in natiijooyin wax ku ool ah oo wax tar u leh nabadaynta Soomaaliya ay kasoo baxeen shirkaas dawladiisuna ay ka qeyb qaadanayso dhaqan galintooda.
Soomaalida dibadaha ku nool ayuu sidoo kale ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka maadaama hadda ay muuqato rajo wanaagsan sida uu yiri.
Dawlada Kenya dhawr jeer ayay ku cel celisay inay iska soo rari doonto qaxootiga faraha badan ee Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxoootiga.
‘Buraannews.com- Muqdisho
↧
Kenya oo sheegtay in arimaha qaxootiga Soomaalida wadankeeda ku nool ay kala hadleyso xukuumada Somaaliya.
↧