Soomaalida ku nool wadanka New Zealand qaarkood ayaa cabasho waxaa ay ka muujiyeen kadib markii loo diiday inay lacago usoo diraan dalka Soomaaliya bangiyaduna ay ka xirteen Akoonadii ay ku lahaayeen.
Wargeyska The National oo ka basoo baxa magaalada Wellington ee caasimada wadanka New Zealand ayaa ku waramaya asagoo xiganaya qaar ka mid ah qaxootiga Soomaalid ah ee dalkaasi ku nool in la diiday inay lacago u soo diraan eheladooda oo Soomaaliya jooga.
Soomaalida ugu badan waxaa ay ka cabanayaan bangiga la yiraahdo BNZ oo xiray akoono ay Soomaalidu ku laheyd diidayna in lacago loo soo xawilo Soomaaliya.
Aadan Deer oo ka mid ah Soomaalida Akoonada ku leh Bangigaas ayaa u sheegay wargeyska wax ka qoray dhacdadaan in Akoonkiisa ay lacago ka dirsadaan illaa Sodomeeyo ruux oo Soomaali ah dhamaantoodna loo diiday in lacagahooda ay soo dirsadaan sida uu yiri.
Aadan oo dalka New Zealand ku nool muddo ka badan Sadex sano iyo bar waxaa uu xusay in hadda xaaladdu ay aad u adag tahay aysan jirin cid ayu dacwoodaan.
Aadan waxaa uu xusay in maamulka bangigu uu u sheegay in lacagaha ay Soomaaliya usoo diraan looga shakiyay in lagu taakuleeyo Xarakadda Al-AShabab IW> sida uu yiri.
Muwaadin kale oo Soomaaliyeed oo la yiraahdo Asad C/llahi oo sheegay inuu muddo 16 sanno ah ku noolyahay dalka New Zealand ay hadda taabatay caqabada ah in loo diido inuu eheladiisa lacago biil ah u soo diro.
Soomaalida Maraykanka ku nool ayay horey bangiyadu ugu diideen inay lacago Soomaaliya usoo diraan inkastoo ay hadda fududeeyeen.
Lacagaha Soomaalida dibaddaha ku nool eheladooda dalka jooga usoo diraan waxaa inta badan looga shakiyaa inay gacanta Shabab ku dhacaan waxaana taas inta badan loo aaneeya Soomaaliya oo aan laheyn adeeg bangiyadeed oo caalamka laga aqoonsanyahay.
‘Buraannews.com- Muqdisho
↧
Soomaalida ku nool wadanka New Zealand oo cabanaya.
↧