Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

R/wasaare xigeenka Dowladda oo Soomaalida Aarhus Denmark kala qeybgalay xaflad guulaha dowladda lagu taageerayo”DAAWO SAWIRRADA”

$
0
0

Xaflad lagu maamuusayey soo dhaweynta R/wasaare xigeen ahna wasiirka ganacisga iyo warshadaha isla markaana lagu taageerayey guulaha dowladda federalka  Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Aarhus ee Caasimada labaad ee dalka Denmark.
Xafladan ayaa waxaa soo abaabulay  jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada  Aarhus, iyo ganacsatada Magaaladaasi ayaa waxaa lagu dhageystay warbixin la xiriirta xaalada dalka Soomaaliya,  oo uu soo gudbinayey  R/wasaare xigeenka, iyada oo su’aalo dhowr ahna lagu weydiiyey  goobta Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha kuwaas oo u badnaa  arimaha siyaasada iyo sida ay qurbo joogto suurto gal u tahay in ay gacan uga geysato dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Xafladaasi ayaa waxaa ka hadlay  Madaxda Jaaliyada ee Magaalada Aarhus,  ee kala ah  Daahir Ibraahim Waasuge (Daahir Yaaqshiid) iyo Cabdi rashiid Siyaasi, kuwaas oo ka xogwaramay xaalada Soomaalida Magaalada Aarhus,  iyo sida ay diyaarka ugu yihiin  in ay gacan u siiyaan dowladda federalka ah ee Soomaaliya, waxa ayna rwasaaraha  u balan qaadeen in ay  in ay diyaar u yihiin kaalintooda ku aadan dib u dhiska dalka.
Xafladaasi  ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Siyaasiga  Xasan Xaaji, Sucaado, Ugaaska Beelaha Soomaaliyeed,  iyada oo  tixo baraarunbur ah  ay halkaasi ku soo bandhigtay abwaanada  Xaliimo soofe.
Ganacsade  Cabdi Xasan Lixaati oo gacanta ugu weyn iyo abaabulka xaflada lahaa ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan  baaqa wasiirka ganacsiga ee la xiriira in laga qeybqaato maalgalinta dalka gaar ahaan in  ganacsatada ay   dalka ku laabtaan  ayna maalgashadaan, waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyey in sida ugu dhaqsaha badan  ay baaqaasi uga jawaabi doonaan.
Rwasaare xigeen ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha  Mudana Cabdi wahaab Ugaas Xuseen  oo halkaasi ka hadlay ayaa qurba joogta ku amaanay in ay doorkooda wanaagsan  ee ku aadan dib u dhiska dalka, waxa uuna faahfaahin dheeraad ah ka siiyeeyey xaaladaha siyaasadeed iyo tan dhaqan dhaqaale ee dalka, isaga oo si gaar ah u amaanay haweenka Soomaaliyeed  oo door mug leh ka qaatay  mar walba taageerada dowladda Soomaaliyeed.



















Photo By:-C/raxmaan Maxamed Xasan(Xudeyfi)
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles