Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Yaa Dilay Wariye Maxamed C/raxmaan Maxaase Usoboba Dilkiisa?

$
0
0

Aragtida dadweynaha -Hadal aan sax loo odhan waa lagu saxdaa ee Wariye Maxamed dilkiisu waxa uu ku salaysanyahay Qabyaalad iyo cadaawad Gadabuursiga dhexdiisa ka jirta ninkii taa danfiraana waa isaga iyo daciif nimadiisa. Wax aan wixii sobobay laga hadala lama helo dawadiisa.
Hadaba aniga oo muda badan ka fiirsanayay arintan wariyaha loo gaystay xogo badana ururiyay waxan jeclaystay in aan su’aallo iyo jawaabo ku saabsan xaqiiqda iyo waxa dilka Wariyahani ku salaysanyahay idiin soo gudbiyo.
Hadaba inta aanad dawlado iyo dad kale ku cambaarayn dilka wariye Maxamed akhriso Su’aalahan iyo jawaabahan iiga soo baxay xogo aan ka ururiyay dad arintan siday udhacday u dhuun daloola
S: Wariyaha Ladilay waa’ayo?
J: Wariyaha la dilay waa Jibriil Yoonis?
S: Xagee Lagu dilay wariyaha?
J: Wariye Maxamed meesha lagu dilay Waa Boorama Ee Hargeysa maaha Djiboutina maaha Jigjigana maaha Xamarna maaha ee yaynaan casimadaha dadka kale ceebaynin.
S: Cidda dishay yay ahaayeen?
J: Cidda wariyaha dishay ee dawlada u matashay yarkani waa Gadabuursi yar yare ee Isaaq iyo Ciidan uu siilaanyo udalbaday maaha, Ciisana maaha, Darood iyo dawladii Siyaad Barana maaha, Hawiyana maaha, Amxaarana maaha, Duubcas iyo duul aan la garanayn oo qaramada midoobay lagaga dacwoodana maaha , ee yaynaan reeraha deriskeena ah ceebayn. Calan iyo calaamo kalena yarka laguma sheegayn ee ciyaar Saylici ayaa lala dulmaray
S: Cadhada lagula dhacayna maxay tahay?
J: Cadhada lagula dhacay waa tii kolka horaba ina dhextaalay oo ileyn majirto meel aan kaftankeenii kaga heshiinay ee JibriilYoonis isaga uunbaa dheel halaabay ee ragii dheesha la dheelayay wali sidii bay usoo dhiiranyihiin oo taasina kolay waxa kuu cadaynaysa sida raga yarka feedha fugleeyay loo soo xulay. Arinta la sheegay in loo haystayna waxay ahay arin aanu isaguba curin shuqulna ku lahayn balse joornaalada Hargeysa ka soo bixi daabaceen kuna salaysnaa jabhad lasheegay inay kasoo degeen xeebaha Awdal yarkuna aanu kaba war qabin, kuwii warka qorayna Hargeysay iska joogaan dawlada Soomalilandna arinkaa wax weynba uma arag laakiin raga Awdal ka qooqa ayuunbaa mar marsiiye ka dhigtay
S: Sidee raga yarka feedha fugleeyay loo soo xulay?
Xulifadii awalba lasoo dhoobay gobolka ayaa udhanaa oo ninka madaxa yarka hayay markii la dilayay waa nin garab iyo awood kale iyo ina adeer ku daaqa waana Bahabar celi
Ka lugaha hayay iyo ka feedha fuglaynayayna waxay ahaayeen labo ilma adeera sida la cadeeyay oo jibraacina waa Cabdilahi dheere Ilma adeeradii (Awdal’s warlord) laakiin Wixii labadoodaba goobta wada joojiyay lama sheegin ee malaha qiiraa isku keentay . Jeelkuna inuu yahay xul waxa kuu cadaynaya meesha laga waayay hal nin oo Jibriil Yoonisa oo kamida ciidanka waxa joojiyay laba nin oo jibraacina saw arin xul ah maaha..
Kan eedu fuushay ee reer Nuur ee la hadal hayaayina waxa uu ahaa uun daawade bilaa awooda bariiskiisana ilaa shanaya.
Waxanna waxan oo dhan u aabo ah ninkii Awooda loo hibeeyay ee magaca boqorada sitay Araweelo ee lo soo magacaabay booliska gobolka oo ah nin Bahabr Celiya waxana taa kuu cadaynaysa hortii majirin falal nuucan oo kala ah oo gobolka ka dhacay balse ujeedadani waa tii loo keenay meesha Mr Araweelo waanay bilaabantay hadaan la iska qaban.
Ciyaartana waxa layidhaa cadaawad dil waxana laga dheelaa Boorama iyo Libaaxlay inta u dhaxaysa kii garan waayana goshaa loo galiyaa.
Ugu dambayn Wariye maxamed wixii soo gaadhay wuu soo gaadhay waxase nasiib daran dhagweynta danbe ee musicga ciyarta ee ay lugoynayaan kuwo aan qadiyad lahayn balse musicga wakhti dhaafiska ah dheela caruurtoodana cadaawaha u looga markhaatigana ku fura.
Kuwaasina waa kuwa Garaw ku noolka ah garaad kooduna rubuca yahay waxay ka hadlayaan iyo waxay ku hadlayaana aan lagaranayn.
Maxamed Cabdillaahi
maxamedcabdillaahi@rocketmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>