Halkan waxan maanta aan rabaa in aanku qoro tix aan galabta tiriyey oo taariikhdu tahay 03/03/2012, taas oo abwaan da’yar oo aad in badan ku arag-taan shebekedan, ahna nin qora maqaaladda iyo gabayadda, iyo geeraaro fara badan intaba oo aad ka akhrisa-teen, qoraagaa oo la yidhaadho Abdilaahi Xasan Mataan oo tiriyey shalay tix qaaflay ah, oo uu dhir badan ooaanay dhilinta imika jooga badan-koodu aanay garanayn, kuwaas oo i xasuusiyey wakhtiyo aan yaraa oo dhirta uu tilmaamayaa ay aad iyo aad uga buuxeen dhul-keena( Somaliland), laakiin imika in badani ay dabar go’een ama aanay-ba garanayn jiilalka yar-yari, sidaas awgeed baan is idhi adna maad ku dartid, qaar badan oo ku hadhsanaa maan-kayga waana tan ee ku soo dhawaadda.
Abdilaahi-yaw qiray,
Halku qaafku joogee,
Qorka uga idlaysiyo,
Qumaati-gaad u sheeg-tiyo,
Qushi hadal wanaagiyo,
Eray aan qaloociyo,
Lagu arag qasiyo xume,
Qaadan waana uu jirin,
Anna aan ku daro qodob,
Qiyaas-taydda kula wado
Soo qaato buug weyn,
Looxleey qu’raan barad
Khadka qalin ka gelisee,
Qaybsii-yaan wadaadaddu,
Qaabadoodi oo kale,
Anna qiil yar iga hoo,
dhir-taad kala qorshaysaa,
Qalbi-gayga galay oo,
Ka higaashay qaafka’e,
Qoda-shadda likaha iyo,
Cilal qararo weyniyo,
Doonbir ciida laga qufay,
Qadaw-giyo hareeriga,
Hob-hob gaws ku qabad-liyo,
Dhafaruur is qabatiyo,
Qoor dheer gahaydhiyo,
Midho-caanyo qalax-liyo,
Fara-dheere qodax-liyo,
Sabkax lagu quraacdiyo,
Yicib qolof aday-giyo,
Himirtoo qoslay-siyo,
Abid daray qoyaan-liyo,
Malab shini qol ugu jira,
Canbuul dharabka qiiq-diyo,
Karuur qawrax kala baxay,
Caruurtii ku qooq-diyo,
Qabo haamo laga tolay,
Dhitaddii ku qaadhoo,
qorog-yaddu ay buuxaan,
Qume subaga lugu dhigayay,
Kaymaha qawaadh-saday,
Qori-geedda hiisshiyo,
Jilab aan qalalin iyo,
Carmo diinku qaayibay,
libi koorta laga qoro,
caleentii ay quban tahay,
Qambool caaro fiiqani,
Qolqoladda ka baxasoo,
Ubadkii qadhii-dhaan,
Geeda-heena Waa qani,
Qaadir nagu manays-taye,
Murtidaa an kuu qalay,
Ka idleeyey qadaf-kee,
Qoddin aan u taagee,
Ka ilaashay qaladkee,
Ku adkeeyey qoofale,
Qurba-joog dhalaankaa,
Qab-qab dhaafay lumiyee,
Dhul-kooddii qawaday baan,
Ku qulaansha leeyoo,
Dal-kiinii qadari-yoo,
Qaxoon-tiga dan moodaan,
Uga dhigay qasaa-sile,
Qaadi-roow na garansii,
Qoysas-koo dib loo raro,
Ninka qaaf ku darayaw,
Qalin-kaaga soo rido.
Hadal yuu i qaadane ,
Kayggii waan qoto-miyeye,
Qasna-daada soo daa,
* N.B Qaadi-roow na garansii, qoysas-koo dib loo raro.
Abdi-shotaly,
Oodweynenews.com
,_._,___
↧
QAAF-LAYDU WAA HODAN! By: Abdi Shotaly
↧