Arimo badan oo nolosha qiimo badan u leh,waxa ka horeeya dhibaato,ama xanuun,ama sidoo kale samir iyo adkeysi.Wax Ayaar la iska helayaa ma jiraan.farxaddo badan oo aad maanta heysato waxa ka horeeyey dhibaato ama oohin.Culeys kasta waxa xiga Fudeyd.Aduunyadu waa laba weji kolba mid ayaad ku jirtaa.Dhimashadu waa xanuun aan la qiyaasi karin,laakin haddii aad Jano ku guuleysato waxa ka danbeeya Farxadd weyn.Hooyada Xaamilada ah isla markaasina ku Jirta Bishii 9aad waxa sugeysa Labor.Lama qiyaasi karo ama lagama sheekeyn karo xanuunkaasi sida dadka loogu soo bandhigo.waa mid ka mid ah arimaha inta badan laga hadlo ama la soo hadal qaado marka laga hadlaayo Hooyanimo,waa mid ka mid ah arimaha lagu ixtiraamo hooyo.waa Xanuun la qabsi leh,laakin marka ugu horeysa Cabsi iyo baqdin badan ku Rida Haween badan.Waa xanuunka isla markiiba ay Hooyadu ilaaweyso Jidhkeeduna uu ka soo kabanaayo.ilawshiiyo dhawaa waata la isku yidhaahdo.Marka hore waa la wada Naxsan yahay,Ducaa socota,Dadka oo dhan Ayaa leh Ilaahay ha kala nabad keeno 3 cisho waa dhib Labor Socdaa.Isla marka ay Umusho Dadkii wada Naxsanaa waxa mar qudha ku Bilaabanta Farxadd baaxad leh,waa Wiil ama waa gabadh,ama waa laba wada socda.Dhabta ayaa loo saari doonaa.Hambalyo,Hambalyo,Dhalasho Farxad leh ayaa ku xigi doonta.Waa Xanuun Farxaddi daba socoto.Xanuunkaasi farxadd ayaa ka danbeysey.Waa xanuunkii sababey in Gabadhu ay ku guuleysato Magaca Hooyo.Maanta laga bilaabana Hooyo ayaa loogu yeedhi doonaa.
Afrika waxa ay ku jirtaa Qaaradaha aduunka inta badan lagu sheeko in heerka dhimashada hooyada Uurka leh weli ka jiro ama sidoo kale wakhtiga Foosha Dumar badani ay ku dhiman karaan.Dawo la,aan ama sidoo kale Awood dari Heysata Hooyada,Caafimaadka guud ee Hooyada.Adeega caafimaadka magaalada ama tuulada oo aan wanaagsaneyn.Habka iyo qalabka loo adeegsada Dhalmadda oo aan aheyn midkii saxda ahaa iwm ayaa sababi kara in haween badani ay la kulmaan dhibaato badan wakhtiga ay ku jiraan Xaamilada.Ilmaha oo yeesha Miisaan ka badan inta caadiga ah,ayaana marar badan sababa in lagu cararo qaliin ama sidoo kale Xanuunka iyada oo laga cararaayo muddada badan socda ayaa lagu dhaqaaqi karaa Qaliin.Mararka qaar xal ayuu noqon karaa.Dhakhaatiirtuna iyaga oo lacagta eeganaya ayey iska odhan karaan markiiba waa in la qalaa.
Hooyooyin badan ayaan arag Ilmihii ay caloosha ku sideen.in badan ayey la soo rafaadey,Dhibta ay u soo marteyna iyada keliya ayaa fahmi karta ama dareemi karta.Keliya bulshadu waxa ay siiyeen qadarin iyo abaal aan weligii Duugoobeyn.waxaana la qirsan yahay in Xanuunka Hooyo lagu noqdaa uu yahay mid ka mid ah waxyaabaha ugu daran ee loo Maro helida Ubad iyo caruur Magacaaga ku abtirsata.Waxey aheyd Nuuri Hooyo ku jirta sannadkii ugu Horeysey ee Qoysnimo ama reernimo.Waxa ay caloosha ku sidaa Ilmihii ugu horeeyey,Dhinac wey ka faraxsan tahay in ilaahay Ubad siiiyey oo ay noqotey beer wanaagsan.Dhinacna waxa ay ka baqeysaa Hawl ku soo socota oo ahLabor.Wakhtigu muxuu ordayaa,durba waxa dhammaadey 9 bilood,waxaana la soo gaadhey wakhtigii.Waa hooyo degen Meel Miyi ah oo aan laheyn Adeeg fiican oo caafimaad,Xanaano rasmi ah oo daryeelka hooyada xaamilada ah la socotaana ma jirto.Habeen dhib badan,Naxdin badan,Murugo badan ayey aheyd,Wax kastaaba Qadar ayey ku socdaan.Dhimashadu maaha wax lagu farxo,Haddana maaha wax laga naxo,waayo waa mid dhammaan dadka wada Sugeysa.Immisa Haweena ayaa ku dhintey Marxaladaasi oo xitaa caruurtii ku dhex dhimatey,Immisa Hooyo ayaa markii Ilmihii soo dhaafey Iyadii Naftu ka baxdey ama Ayaamo ka dib Dhimmatey.Ilmahaasi Hooyadii Laga qaadey waxba muu galabsan.Aduunyada wuxu ku noqon doona Rajey,Weliba waa Rajey aan Hooyadii arag.Hooyada Iyadu ka bad-baadey Xanuunkaasi laakiin Ilmihii ku weydey waxaad ka akhrisataa Sheekada “SAQIIR”.
hooyo isku dhimataa waxa ay ka mid tahay arimaha keeni kara in qofku aanu mudan Cadaabu qabri.sidoo kale Hooyada caruur ka saqiirto waxa Akhiro u sii Jooga Ubad ay hadhow ilaahay agtiisa wax kaga heli doonto.Ragg badan Ayaana dumar kaga dhintey marxaladdani,dhibta iyo xanuunka badan.qoysas badan ayaana ku waayey marwo iyo Hooyo qaali ah.
Waxa Suurta gal ah in wakhtigan Caafimaadka iyo Daryeelka hooyadu uu maraayo Meel lagu faani karo ama iska fiican.waxaana xaqiiqo ah in Hooyada isku dhimman karta wakhtigan intii hore ay ka yar tahay.Tuulooyinka ama sidoo kale Degmooyinka aan laheyn adeeg caafimaadna waxa loo rajeynayaa in la gaadhi doono mustaqbalka.Qoraalka qeybtiisa danbe waxa aan u qorey hab Sheeko ah.waana sheeko Sameys ah.
Xikmada Maqaalkani himashada Hooyo Uur leh.
Ceelaabe
↧
Xanuunkii Farxadda W/Q/-Ceelaabe
↧