Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Al-Shabaab oo ku hanjabtay inay sii wadi doonto weerarada iyo qaraxyada gudaha Kenya ka geysaneyso

$
0
0

Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay sii wadi doonto weerarada iyo qaraxyada ka dhacaya gudaha Kenya inta ay ciidanka milatariga Kenya ka dagaalamayaan gudaha Soomaaliya.
Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Shabaab ayaa lagu sheegay in amaanka labada dal ay isku xiran yihiin, isla markaana qatar ku jiro magaalooyinka Kenya.
“Shacabka Kenya waa in ay ogaadaan inta ay ciidamada Kenya kasii wadaan weerarada dadkeena Soomaaliyeed ee Muslimka ah in amaanka magaalooyinkiina uu qatar ku jiro oo anaguna aan weerari doomo, amaankeena wuxuu ku xiranyahay amaankiina,” ayaa lagu yiri bayaan.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale ku sheegay howlgalka ciidanka Kenya ee Somalia inuu fashilmay, isla markaana mudo lix bilood ah kadib ay ku dhaceen milatariga Kenya in ay gaaraan qorshahoodii duulaanka.
Sababaha ay ugu dhaceen duulaankooda ayey Al Shabaab ku sheegeen, weeraro dhinacyo kala duwan leh oo ay dagaalyahanadoodu kala hortageen, iyo qibrad la,aan heysato milatariga Kenya iyo sidoo kale dhaqaalaha oo ku yar.
Kenya ayaa soo gashay dhulka Soomaaliya bishi October ee sanadki hore, waxaana qoraalka Shabaab uu kusoo beegmay maalin kadib marki qaraxyo lagu weeraray magaalada Mombasa ee dalka Kenya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>