Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Wariye C/Qadir Nuunow Oo Dib U Helay Xoriyadiisa

$
0
0

Virginia (RBC) Sida uu ku qoray maanta oo Isniin ah boggiisa Facebook-ka Wariye C/Qaadir Nuunow Maxamed oo horrey uga mid ahaa shaqaalaha Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in uu dib u helay xuriyadiisa ka dib lix bilood uu ku jiray xabsi ku yaala gobalka Virginia.
Hadalka uu ku qoray baritiisa Facebooka waxa ka mid ah ” Saaxiibayaal dhammaantiin waan idiin salaamay, waxaan ka soo baxay xabsigii caadiga ahaa ee lagu baarayay been abuurkii qaawanaa ee ka soo yeerayay ninka cuqdaddu dillootay ee lagu magacaabo Cabdiraxmaan Yibirow, oo horey caan ugu ahaa qabyaalad iyo kooxeysi uu ku ku kala qeybqeybiyay wariyeyaasha ka hawlgala Idaacadda VOA Somali, laakiin hadda uu bilaabay inuu shaqo ka dhigto fataalnimo. Xarigga”
Wuxuu intaas ku sii daray ‘’Aniga xariggii waan ka soo baxay, reerkeygii ayaan Virginia la joogaa iyo caruurteyda. Gabadhii shirqoolka loo wadayna way ka badbaadday. Laakiin Fataalnimadii uu sameeyay isaga ayay Tuke cambaar leh ku noqotay,Intii aan ku jiray gacanta dowladda Maraykanka waxaa layla dhaqmay si sharaf leh, markii dambena si sharaf leh ayaa la ii sii daayay.”
Marka laga soo gudbo hadalkan Nuunow uu ku daabacay bartiisa Facebook ,haddana waxa aan la xaqaajin karin eedeema uu jeediyay madaxa laanta Afsoomaaliga ee VOA-da Cabdi Raxmaan Yabarow.
NB: hadalkaasna waa mid isaga uun ku kooban oo ay bari ka tahay Raxanreeb.com
Si kastaba, C/qaadir Maxamed Nuunow waxa uu kaloo uu horey uga soo shaqeeyay degaanada Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso ee gobalka Bari gaar ahaan Idaacaddaha maxaliga ah ee ku yaala magaaladaas.
Intuu xirnaa waxaa geeriyooday Aabihi Maxamed Nuunow oo ku dhintay qaraxii hargaha iyo saamaha ee ka dhacay Muqdisho bishii October oo ay ku dhinteen arday iyo dale kale oo u badnaa rayid.
RBC Radio
———————-
Xafiiska Wararka Nairobi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>