Muqdisho (RBC) Iyadoo maalmahan ay soo baxeyn warar sheegaya in Shabaab oo ka arriminaayay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ay hadda badankood u wareegeyn deeganada Puntland, gaar ahaan buuraha Galgala ee gobalka Bari, ayaa waxa markii ugu horreysay arrintaa shaaciyay Al-Shabaab.
Idaacadda ku hadasha afka Shabaab-ka Andulus, ayaa saaka oo jimco ah shaacisay, in saraakiil sare oo ka tirsan Shabaab ay hadda ku sugan yihiin deeganada Puntland gaar ahaan buuraha Galgala.
Waxa ay Idaacadda Sheegtay in Shabaab ay halkaas u gaareyn in ay gaarsiiyaan maamulkooda sida ay hadalka u dhigtay, waxan dadka ay magacowday ee hadda ku sugan Puntland ka mid ah Sheekh Cabdu Qaadir Cali Muumin oo ka mid ah madaxda sare ee Al-Shabaab, kana soo jeeda deeganada Puntland.
Ma sheegeyn, waxa ay halkaas u tageyn in uu yahay culeys kaga soo furmay dhinaca ciidamada dowladda iyo kuwa kale ee barataaraya, oo hadda dhul badan, oo ku yaala koonfurta ka qabsaday Shabaab.
Dhawaan madaxweynaha Maamulka Puntaland C/raxmaan Faroole, wuxuu sheegay Shabaab markii ay ku soo jabeyn dagaaladii ay ka wadeyn Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya in ay u soo guureyn deeganada Puntland.
Wuxuu sheegay in ay isticmaalayaan dhinaca badda iyo dhulka Al-Shabaab.
Sidoo kale dowladda KMG ah , madaxdeyda ayaa iyana sheegay Shabaab in xoogiisa ay u baxsadeyn deeganada Puntland gaar ahaan buuraha Galgala, oo ay horey u joogeyn maleeshiyo taabacsan Sheekh Maxamed Saciid Atam oo ah wadaad qalqal iyo jahwareer galiyay maamulka madaxweyne Faroole.
Ma cadda hadalka Shabaab ka soo yeeray, uu u sii saameyn doono, maamulka Puntland iyo dowladda KMG ah, haddii ay arrintan dhabowdana waa hubaal ah Puntland ay isku diyaariso dagaal la mid ah kan hadda ka socda Koonfurta gaar ahaan Muqdisho
Si kastaba, waxa su’aasha la isweydiinaayo ay tahay, Al-Shababa oo xiriir toos ah la leh Al-Qaacida, haddii ay fadhiisin cusub ka sameestaan deeganada Puntland siddee ayuu ahaan doona awooda maamulka Puntland, sidoo kale caalamka siddee ay ahmiyada ugu yeelan doonaan maamulka Puntland, ciidamo AMISOM ama kuwa Ethopian ah ma lageyn doonaan deeganadaas? sidee mustaqbalka deeganada Puntland ay noqon doonaan? waa su’aalo ilaa hadda jawaabahooda aan lahayn, laakin soo bixi doona marka si rasmi Shabaab xudun ugu yeeshaan Puntland?
RBC Radio
———————–
Xafiiska Wararka Muqdisho
↧
Al-Shabaab Oo Shaaciyay In Ay Saldhigyo Waaweyn Ka Sameesteyn Buuraha Galgala
↧