Baydhabo (RBC) Ururka Al-Shabaab ee ku kacsan dowladda KMG ah iyo ciidanka AMISOM, ayaa la sheegayaa in ay weerar ku qaadeyn garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia.
Ilaa hadda lama soo sheegeyn wax qasaaro ah, oo ay geesteyn hoobiyaasha xaley lagu weeraray garoonka diyaaradaha Baydhabo, waxana saaka magaalada ka socda baaritaano xooggan.
Sidoo kale, meelaha kale ee Shabaab xaley weerartay waxa ka mid ah, degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool, oo iyana joogaan ciidamo Ethiopian ah iyo kuwa dowladda KMG ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Baydhabo saaka waxa ay shegaayaan in ciidamada dowaladda ay baaritaano ay ka sameeyeen meelaha ka agdhawaa goobaha xaley la weeraray, in kastoo aan la sheegin cid loo qabtay weerarkaas.
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, oo dhawaan ay gacanta u gashay dowladda KMG ah, oo gacan ka heleysa ciidamo Ethiopian ah, ayaa waxa dhawaanahan ka dhacayay, qaraxyo, dilal iyo weeraro dhamaan kuwaas oo la sheegayo in ay ka dambeeyaan Shabaab oo bishii Febaury laga saaray magaalada oo seddax sano ka arrimineysay.
Dhinaca kale, waxa dhawaan maalin ka hor magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ka degtay diyaarad u rarneyd hay’adda UNICEF taas oo siday gargaar dawo geesay isbitaalka Baydhabo oo ay jiifaan bukaano badan.
Diyaaradan dawada siday oo ka soo duushay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. ayaa markii Baydhabo gaartay,waxa halkaas ku soo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka DKMG ah ee gobalkaas iyo Agaasimaha Isbitaalka Baydhabo Dr.Ilyaas Sheekh
Waxana ay dhamaan sheegeyn in gargaarkaas dawo uu xiligan u baahan yahay Isbitaalka oo ay jiifaan dad badan oo waxyeelo ay ka soo gaartay qaraxii ka dhacay suuqa magaalada Baydhabo.
RBC Radio
—————————
Xafiiska Wararka Muqdisho
↧
Faah-Faahin Ka Soo Baxaysa Weerar Madaafiic Oo Shabaab Ku Asteeyeen Garoonka Diyaaradaha Baydhabo
↧