Sarkaalkii ugu horeeyay Xarakada Al-Shabaab ayaa gaaray Buuraleyga Galgala ee gobolka Bari, waxaana uu soo diray fariin laga baahiyay Idaacada ku hadasha afka Al-Shabaab ee Andulus.
Sheekh Cabdiqaadir Muumin oo Al-Shabaab u qaabilsan dhinaca wacyi galinta, asal ahaanaa kasoo jeeda Puntland ayaa sheegay inuu ku sugan yahay Galgala, waxaana uu ugu baaqay shacabka Puntland inay la dagaalamaan maamulka talada u haya.
“Maamulka Puntland ka taliya waa mid gaalada u adeega, Muslimiintana dhib ku haya, waa waajib inaan la dagaalanno.”ayuu yiri Sheekh Cabdiqaadir Muumin.
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamud Faroole ayaa toddobaadkan bilowgiisii shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay usoo guurayso deegaanno ka tirsan Puntland.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG ah ayaa iyaguna muujiyay walaac kaas la mid ah, waxaana ay sheegeen in Puntland ay ka caawinayaan la dagaalanka Al-Shabaaba.
Buuraleyga Galgala ayaa waxaa horay ugu sugnaa maleeshiyo uu hoggaaminayo Maxamed Saciid Atam, waxaana maaleeshiyadaas ay dhawaan sheegtay inay ku biirtay Al-Shabaab.
↧
Sarkaalkii ugu horeeyay Al-Shabaab oo fariin kasoo diray Buuraleyga Galgala
↧