Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

WAR DEG DEG: Laba nin oo nin ganacsade ahaa ku dillay Suuqa Bakaaraha, oo iyana la-dillay oo meydadkooda oo la-soo bandhigay

$
0
0

Waxaa goor dhaw Madaxtooyada Soomaaliya lagu soo bandhigay meydadka laba nin oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab, kuwaa oo nin ganacsade ahaa ku dillay Suuqa Bakaaraha, oo ay gacanta ku heyso Dowladda Soomaaliya.
Saxaafadda ayaa waxaa meydadka laba nin oo Al Shabaab ka tirsaneyd iyo bistooladii ay wateyn loogu soo bandhigay Madaxtooyada Soomaaliya, halkaasoo ay kula hadleen Saraakiisha Dowladda oo faah faahin ka bixiyay qaabka raggaasi loo-dillay.
Taliyaha Ciidamadda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Khaliif Axmed Ereg, ayaa wuxuu sheegay in raggaasi ay xalay dil qorsheysan ka geysteen Suuqa Bakaaraha, ayna iyagana dilleen Ciidamadda Nabad Suggida.
“Nin ganacsade ahaa ayay xalay fiidkii ku dilleen Suuqa Bakaaraha, waxayna isku dayeen inay ka baxsadaan Suuqa Bakaaraha, waxaa la-kulmay Ciidamadda Nabad Suggida oo hawl-gallo waday, waxaa dhex martay israsaaseyn, laakiin markii dambe sidaasi ayaa lagu dillay” ayuu yiri Taliyaha.
“Bistooladaha aad arkeysaan waa kuwii ay ku dilleen ganacsadaha Suuqa Bakaaraha, waxaana noo-suurta gashay inaan Ummada Soomaaliyeed u soo bandhigno dhibaatada ay ku hayaan Al Shabaab” ayuu sii raaciyay.
Mudane Khaliif Axmed Ereg ayaa wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay cadow ku tahay Ummada Somaliyeed, hase yeeshee wuxuu xusay in Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ay si adag ula dagaalami doonto Al Shabaab.
Dagaal-yahanada Al Shabaab ayaa waxay khasaarooyin culus ay kala kulmaan Ciidamadda Nabad Suggida ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, marka ay doonayaan inay dhibaato ka geystaan Magaaladda Muqdisho.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>