Ilaa shan ruux ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, iyadoo dilalkaas ay geysteen ragg hubeysan, dadka la dilay waxaa ku jiray qof haweeney ah. Kooxo Hubeysan ayaa xalay fiidkii waxay weerar ku qaadeen guri ku yaal Isgoyska Baar ubax, halkaasoo labo ruux lagu dilay halka saddex kale lagu dhaawacay. Ciidamo [...]
↧