Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live

Magacyada Guddi farsamo oo qaabilsan xullidda ergooyinka oo dowladda KMG magacawday xilli khilaaf taagan yahay

$
0
0

Waxaa shalay galab shir aan caadi aheyn ku yeeshay magaalada Muqdisho Golaha wasiirada Xukuumadda KMG Soomaaliya, waxaana shirkaasi oo uu shir gudoominayey Ra’isul C/weli Gaas looga hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin dastuurka iyo amniga.
Ugu horeyntii golaha waxaa Ra’isul wasaare Gaas uga war bixiyey shirkii saxiixayaasha Roadmap-ka kaas oo kadhacay magaalada Nairobi 20-22 bishan, waxaana uu sheegay Ra’isul wasaare Gaas in shirkaasi uu ahaa mid taariikhiya oo u soo hoyday ummadda Soomaaliyeed sida uu yiri waxaana laga gaaray is afgarad nuqulkii ugu dambeeyay Dastuurka qabyo qoraalka ah.
Dood iyo falaqan badan ka dib Goluhu wuxuu isku raacay qodobadaan soo socda oo kala ah:- Golaha wasiirada wuxuu soo dhaweynayaa in ay dhamaatay shaqadii gudiga madaxa banaan ee dastuurka sida ku xusan go’andii ka soo baxay shirkii saxiixayaasha Road map-ka ee ka dhacay magaalada Nairobi 20-22 June. 2012
Inuu furmayo shirkii ansixinta Dastuurka 12, July, 2012-ka, in shacabka loo soo bandhigayo dastuurka 24-saac oo soo socoda iyadoo loo sii marsiinayo qeybaha kala duwan ee warbaahinta, ugu dambeyntii waxa uu Goluhu ansixiyey Guddiga farsamo ee soo xulitaanka ergada, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin sida tan:-
Bashiir Warsame Jaamac, Engineer C/raxmaan Maxamed Cusman, Xaliima Ismaaciil Ibraahim, Maxamed Cali Xayle, Fowsiyo Abiikar Nuur, Daahir Warsame, Jaamac Salaad Maxamed, Sadaq Abshir Garaad, Faadumo Jamaac Jibriil, Faa’isa Maxamed Layli, Professor C/laahi Xasan Xuseen, Dr. Yaasiin Saalax Cali, Dayib Maxamed Cali,C/risaaq Axmed Faarax, Showqi Axmed Xuseen, Xamad Xaaji Cali Xuseen, Xasan Axmed Ibraahim, C/waaxid Sheekh Cusmaan, Saalim Ma’yow  Xaaji, C/dulle Axmed Yuusuf, Abshir Warsame Jaamac, Professor Abdullahi Cismaan Xiirag, Engineer Saalax Sheekh Cusmaan, Maxamed Aadan ibraahim {Fargeto}, Qaasim Iidow Ibrahim, Sheekh Qaasim Ibrahim iyo Xaliima Cumar Axmed.


Ciidamada DKMG Somalia & AMISOM Oo la wareegay degmada Balcad, Sh/dhexe

$
0
0

Balcad.. (Widhwidh Online ) ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe halkaasi oo maalmihii u dambeeyay ay ka jireen xiisado dagaal.
Jeneral C/laahi Cali Caanood oo ah Taliyaha Ciidamada Gaaska Koowaad oo la hadlay Widhwidh Online  ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen dugsiga Tababarka iyo Dugsiga Taankiga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe halkaasi oo saacadihii u dambeeyay ay ku sugnaayeen Xarakada Al Shabaab.
Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay 10-KM ay banaanka ugu baxeen degmada Balcad, iyadoo la tilmaamay inay kusii siqayaan gudaha duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
” 10-KM ayaa naga xigta degmada Jowhar, wax iska caabin ah maanan kala kulmin Al Shabaab, waa jibaadka waxa weeye in gacanta lagu dhigo guud ahaan gobolka Sh/dhexe” ayuu yiri Taliyaha Gaaska Koowaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Widhwidh  Online News Desk
 

Munaasabada 26-ka June oo ku soo aaday xilli ay wada hadalo u socdaan Somaliland iyo Soomaaliya

$
0
0

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 26-ka June 52-guuradii ka soo wareegatay markii Gobolada waqooyi ay qaateen xurnimada gumeystihii Ingiriiska ayaa waxaa dabaal degyo ay ka kala dhaceen Magaalada Hargeysa iyo dhulka Somaliland.
Madaxda ugu sareysa dowladda ayaa si isku mid ah hambalyo ugu diray shacabka Soomaaliyed, 52-guuradii ka soo wareegatay xornimadii gobolada waqooyi.
Shariif Shiikh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hambalyo u diray shacabka Gobolada waqooyi, isagoo tilmaamay in maanta oo kale ay tahay maalin farxadeed oo guul u soo hoyatay umada Soomaaliyed.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in sanad guurada 26-ka June ay ku soo aaday, iyadoo wada hadalo u socdaan Somaliland iyo Somalia, isagoo cadeeyay in natiijo wanaagsan ka soo bixi doonaan.
“Runtii waxay ku soo aaday waqti ay bilowdeen wada hadalo waqooyi iyo koofur u dhaxeeya, waxaa bogaadineynaa doorka wanaagsanaa midnimada ku lahaayeen iyo isu keenida dib u soo laabto shacabka Soomaaliyed, waxaan leeyahay sanadkan kiisa kale, horumar, barwaaqo inay ku gaaraan”ayuu yiri Madaxweyne Shariif.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in aanay Soomaali kala tagi karin, hase ahaatee ay jiraan cabashooyin, taasoo uu xusay inay lagama maarmaan tahay in la xaliyo.
Dhinaca kale waxaa la filayaa in dhowaan magaalada Dubai ee isu taga imaaraadka Carabta ay ku kulmaan madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland.
Wada hadaladi dhowaan ka dhacay magaalada London ayaa lagu go’aamiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku kulmaan Madaxweynayaasha labada dhinac si ay u sii ambaqaadaan wada xaajoodka.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG oo ka baxay magaalada Baydhabo

$
0
0

Wararka ka imaanaya degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ku sugan magaaladaasi lagu wareejiyey ammaanka guud ee magaalada Baydhabo, gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Baydhabo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Itoobiya.
“Baydhabo waxaa soo gaaray saraakiil ka socda AMISOM oo la wareegay gacan ku heynta ammaanka garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, inkastoo ay weli garoonka ku suganyihiin ciidamo Itoobiyaan ah” ayuu yiri mid ka mid ah Odayaasha magaalada Baydhabo oo warbaahinta la hadlay.
Wararkii ugu dambeeyay ee halkaasi ka imaanaya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG ay intooda badan ka baxeen magaalada, iyagoo u jiheystay dhinaca degmooyinka kale ee gobolka Bay, magaaladanada looga tagay ciidamada AMISOM iyo kuwo kale oo Soomaali ah oo tababar lagu siiyey gudaha magaalada.
Magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay ayaa waxay ka mid tahay dhowr degmo oo ay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya kaga suganyihiin gobolkaas, waxaana jira in dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda meelo kala duwan, waxana xusid mudan in magaalada Baydhabo ay bishii Feberaayo ee sanadkan ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya ka qabsadeen Xarakada Al-shabaab.
Dhinaca kale dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay inay la wareegtay deegaano hor leh oo ku yaala gobolka Sh/hoose ka dib dagaal ka dhacay deegaano hoosyimaada degmooyinka Afgooye iyo Awdheegle ee gobolka Sh/hoose.
Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Nuur {Siidii} ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay weerarka qaadeenn, ayna kula waregeen deegano ka baxsan Afgooye sida Laanta Buure iyo tuulooyin kale oo ay heysan jireen Al-shabaab sida uu yiri, mar uu arrimahaasi ka hadlayeyna waxa uu yiri “Dagaalku waa mid ka dhan ah Al-shabaab, meelo badan ayaan kula wareegnay, waana isku fidinay duleedka Afgooye.

Xaalada degmada Balcad & Ciidamada dowladda iyo Amisom oo ku sii jeeda Magaalada Jowhar

$
0
0

Xaalada degmada Balcad ayaa ah mid degan, kadib markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom saaka dagaal la’aan kula wareegeen, iyadoo ciidamada ay ku sii siqayaan deegaano iyo tuulooyin hor leh.
Sida wararku sheegayaan xoogagii Shabaab ee ku sugnaa degmada Balcad ayaa u baxsaday dhinaca jowhar, waxaana saraakiisha dowladda ay sheegeen inay wadaan qorshayaal ku aadan sidii ay deegaanadii ay u carareen ugu daba tagi lahaayeen.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ayaa haatan gaaray dhanka Tuulada Gololey oo Balcad u jirta 10-KM, halka magaalada Jowhar ay u jirto 50-KM.
Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda ay fariisin ka sameysteen Xeradii Hiilweyne iyo Dugsigii Taangiyada oo ka hor inta aysan gelin balcad ay soo qabsadeen.
Taliyaha guutada koowaad ee ciidamada xooga dalka Jen. C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidamada ay hada wadaan howl galo lagu xaqiijinayo ammaanka, isla markaana ay sameynayaan baaritaano gur guri ah.
“Aniga waxaan hada joogaa saldhiga degmada Balcad ciidanka kuwiisa hore waxay joogaan meel Balcad u jirto 10-km dhanka magaalada Jowhar marka waxaan dhihi karnaa Jowhar waxaan u jirnaa 50-km,” ayuu yiri Jen. Caanood.
Degmada Balcad ayaa noqoneysa degmadii labaad ee ay qabsadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom muddo bil gudahood, waxaana bishii hore ee May ay qabsadeen degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
 

Siyaasiyiin iyo Odayaal ka soo jeeda Somaliland oo soo dhoweeyey wada hadallada u socda somalida

$
0
0

Odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda deegaanada maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay taageeray shirkii dhawaan ay ku yeesheen ergooyinn ka kala socda dowladda KMG iyo maamulka Somaliland magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska iyo qodobadii ka soo baxay kulankaasi.
Odayaasha oo kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegeen inay si buuxda u taageersanyihiin wadahadalada dhexmaray koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya, kuwaas oo ay ku tilmaameen tallaabo dhanka horumarka loo qaaday, waxaana Maxamed Hirsi oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee magaalada Hargeysa ku nool uu sheegay inay muhiim tahay in labada dhinac ay wadahadlaan si loo turxaan bixiyo waxyaaabaha lagu muransanyahay.
Odayaasha ayaa ku dhiirrigeliyay maamulka Somaliland in uu sii wado wadahadalka iyagoo u ballan-qaaday in ay garab taagan yihiin, halka dhinaca kale qaar ka mid ah odayaashaasi ay sheegeen in Somaliland ay fursad weyn u tahay wadahalka ay la furtay dowladda KMG, inkastoo aysan sheegin fursaddaasi waxa ay tahay.
Dhinaca kale Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka KMG ayaa sheegay in wadahadaladaasi aan lagala tashan dadka deegaanka Sool, Sanag iyo Cayn, isla markaasna aysan jirin go’aan ay dadkaasi ku gaareen inay ka mid noqdaan maamulka Somaliland cid ku qasbi kartaahina aysan jirin sida uu yiri Xildhibaanku.

Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka: oo eedeeyey Wasiir Xoosh

$
0
0

Guddoomiyaha guddiga dastuurka ee madaxa bannaan ee Soomaaliya oo wasaarada dastuurka ay sheegtay in waqtigiisii ay dhamaatay Prof C/laahi Xasan Jaamac ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray wasiirka dastuurka Soomaaliya.
C/laahi Xasan Jaamac ayaa wuxuu sheegay in aanan la kala diri Karin gudiga dastuurka madaxa banaan ee Soomaaliya xili wasaarada dastuurka ay sheegtay in waqtigii uu ka dhamaaday gudigaasi.
“wasiir Xoosh waxaan maqlay in sharciga uu ku soo bartay wadanka dibadiisa laakiin markii aan arkay asaga iyo sharciga way kala fogyihiin,”sidaa waxaa yiri gudoomiyaha gudiga dastuurka madaxa banaan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in waqtiga gudiga dastuurka uu ka dhamaanaya in uu yahay, markii afti dadweyne loo qaado dastuurka cusub ee Soomaaliya ama la ansixiyo.
Prof C/laahi Xasan Jaamac ayaa wuxuu intaasi uu ku daray in gudiga Dastuurka madaxa banaaan ee Soomaaliya aysan ka soo horjeedin dhameestirka arimaha Dastuurka, doonaynay in Dastuurka aan u gudbino culumo udiinka iyo waliba odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed, waxaa codsada in dib loo dhigo madaxda ugu saraysa dowlada”ayuu yiri Prof C/laahi Xasan.
Hadalkaan ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii wasiirka dastuurka xukuumada KMG ee Soomaaliya C/rixmaan Xoosh Jabriil uu sheegay in wawqtigii uu ka dhamaaday gudiga Dastuurka Madaxa banaan, isla markaana xukuumadu ay sii dar dargalin doonto howlaha dastuurka.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war ka soo saartay la wareegidda degmada Balcad

$
0
0

Wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska Ciidamada Xoogga dalka ayaa si wadajir ah ugu hambalyeeyay ciidamada qalabka sida qabsashada degamada Balcad iyo deegaanno kale oo hoostaga gobolka shabeellada dhexe,  iyagoo dhanka kalena ugu hambalyeeyay Dadweynaha Soomaaliya munaasabadda 26-ka June oo ah markii ay xurnimada qaateen gobollada woqooyi ee Saomaliya.
Ku simaha wasiirka ahna Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga  mudane Maxamuud Macallim Nuur iyo taliyaha Ciidamada Xoogga dalka S/gaas C/Qaadir Sh. Cali Diini oo maanta si wadajir ah ula hadlay warbaahinta dowladda ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada dowladda guulaha ay ka gaareen howlgalladii ay kula wareegeen gacan ku haynta degmada Balcad iyo deegaannada kale ee ku xeeran waxa ayna sidoo kale umadda Soomaaliyed ugu hambalyeeyeen sanad guuradii 52-aad ee ka soo wareegatay markii ugu horreysay ee Calankeenna laga taago dhul ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya isalamarkaana ay gobollada woqooyi xurnimada ka qaateen gumeystihi Ingiriiska.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka S/gaas C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa sheegay in muhiimad gaar ah ay xambaaarsantahay munaasabadda 26-ka June waxa uuna u hambalyeeyay cidamada isagoo ku amaanay dedaallada ay dalka oo dhan uga xureynayaan maleeshiyaadka Alqaacidda.
Sidoo kale Ku simaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha wasaaradda difaaca mudane Maxamud Macalim Nuur ayaa isna soo dhaweeyay guulaha ciidamadu soo hooyeen, waxa uuna ummadda ugu hambalyeeyay munaasabadda maalinta 26-ka june.
Ciidamada qalabka sida ee dalkeenna oo gacan ka helaya kuwa a Amisom ayaa ku guuleystay in ay xaqiijiyaan gacan ku haynta degmada Balcad iyo deegaanno kale oo hoostaga gobolka shabeellada dhexe iyadoo ciidamaduna ay weli sii wadaan howlgallo saf ballaaran ah oo dalka oo dhan looga ciribtirayo jiritaanka magaca kooxda Alqaaciddada ah ee Shabaab.


Britain oo internetka lagu weeraray

$
0
0

M-I-5 waxay ka digtay weerarro la yaab leh oo lagu hayo dowladda iyo ganacsiga Britain.

 

Madaxa hey'adda sirdoonka gudaha ee Britain, M-I-5,
ayaa sheegay in dalka Britain lagu hayo weerar xagga internetka ah oo
aad loola yaabay oo lagu bartilmaameedsanayo dowaldda iyo ganacsiga.

Madaxa M-I-5, Jonathan Evans, wuxuu ku tilmaamay
in dowlado shisheeye iyo kooxo dambiilayaal ahi ay isku dayayaan in ay
ka faaideystaan internetka oo ay xadaan xog xasaasi ah.

Hadal uu jeediyay ayuu ku tilmaamay in isbeddel
xoog lihi ka socdo dalalka Carabta, isla markaana dad aan badneyn oo
British ahi ay aadeen dalal Carbeed ayaga oo doonaya in tababbar
militeri lagu siiyo.

Wuxuu ku tilmaamay in meelo ka mid ah dalalka Carabtu ay noqdeen xaalad aan al Qaacida waxba ka qabin.

Madaxda M-I-5 badiyaa kama hadlaan goobo maxfal ah.

Tixdii Nimankaa Qurbaha Yuurura. Abwaan. Qorane Wacays (Gabay-xoogleh)

$
0
0

image: 

 
Abwaan. Qorane Wacays (Gabay-xoogleh)
 
Tixdii Nimankaa Qurbaha Yuurura.
Dhoorashadii Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ka dib 26/ June/ 2010 waxa xilka la wareegey Mudane Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) mudo yar ka dib madaxweynuhu wuxu soo dhisay dowladii iyo golihiisii wasiirada oo waliba qurba-joog u badan, waxa website-yada ku badnaa qoraalo cabashooyin xambaarsan oo ay ku saxeexan yihiin magacyo dad aqoonyahano u badan oo dibadaha ku nool isla markaana ku cabanaya beeshayadii waxba lama siin kuwaas oo waliba u badnaa ragii taageeri jiray xisbiga talada la wareegay, Abwaanka oo mudadaa doorashadu dhacaysay iyo markaa xilka lala kala wareegayayba ku sugnaa dalka dibadiisa, ayaa wuxu maalin kasta oo uu website-yada furaba kala kulmi jirey baaqyadaa tabashooyinka xambaarsan ee cida soo qortayna ay tahay aqoonyahankii dalka u maqnaa oo magacyo beeleed ku hadlaya, markaa ayuu Abwaanku fariintan wuxu u diray isagoo ku halqabsanaya nin la yidhaahdo Bashiir. Wuxu yidhi.
 
Qiyaas gabay Bashiiroow baryahan, qaafkii maan tirine
Qalbigayga waataan ka jaray, qodobadiisiiye
Qalin duure waaguu qaribay, qaabadii dhigaye
Aan qotomiyo caawoo kalaan, qun uga faalloone
Qurbahaan baryahan soo jiriyo, Qaarad Eeshiya e
Qorrax-daanu aragnaa dadkoo, badiba qaafila e
 
 
Anigoon mid aan qirin Allaah, qurux u yeelaynine
Qayb-baa aduunyadan ku nool, qoomkan Shiinaha e
Qolo qolo ma sheegtaane waa, qaarad waaxida e
Qiimaha dhulkoodaad ka garan, qaabka nololeede
Qusuur bay ka taageen badiyo, qodanka buuraaye
Qiiroo nin tiisii qaribay, qoomamiyo ciile
 
 
Anagu qoomu-soomaal baanu nahay, waaba qarinaayoo
Ma qaraasinaad tihiin ayay, nagu qaleeyaanoo
Waxa laga qashaafaa arlad,a qiimo li’i deede Idinkoo
Quraankiyo cilmiga, qiilka garanaaya
Qardufkiyo habaaskiyo ninkaa, Qadow ka heesaaya
Ee waliba qooqa u bukaa waa, qisiyo yaabe
Allahayow qaribanaa maxay quf, iyo ciin daaqday
 
 
Afartaa qorsheeyee miyaan, qaafki ka habaabay
Qadaf kuma hadlin saw murtida, qiimo uma yeelin
Qodob kale bulshada waa dar aan, uga qisoon doono
 
 
Qarfada iyo Miyigaa lagu ogaa, qolo-qolayn jaane
Qaadhaan-ka guud iyo tolimo, qalo yar mooyaane
Ka qadari qaraabiyo xigtada, qayrkood mooyaane
Waxaan qiil-ba loo helin markay, qalin ku doodaane
Nimankaa qurbaha yuururee, qaylada u taagan
Ee wada qareenkiyo diktoor, qoranayee sheegtay
Ee qurus ka waa reer tolkay, qiil ka dhiganaaya
Aqoon-yahan qarnigan soo baxaw, waa qisiyo yaabe!!!
Allahayow qaribanaa maxay quf, iyo ciin daaqday
 
 
Afartaa qorsheeyee miyaan, Qaafki ka habaabay
Qadaf kuma hadline saw murtida, qiimo uma yeelin
Qodob kalena waa waanadan aan, qun uga faaloone
 
 
Qansax iyo Galoog kani Quwaax, qolaba haybteeda
Qaban-qaabadii hore markuu, qoom waliba raacay
Qorshihii Hal-baa qalan hadii, la iska qoondaystay
Qurbac noqotay hawshiye markii, saantii laga qaaday
Qismadiyo sidaa loo qayaxay, qaybihiyo feenka
Mar hadii ninkii maanta qalay, qaybshay hilibkeeda
Qaalaa-baxeedii haduu tiro, yar qooondeeyay
Ninka qaatay kii kaba qadiyo, kii qawadi doona
Qolada uu diktoorkuba ahaa, qayd kamay heline
Cabdi ciise qayb lagama siin, qori suldaankiiye
Qardhac daahir-kiibaan ka helin, kaahin qoladiiye
Qalin samatar kama qaadanoo, muuse waa qadaye
Kol hadaan rag aan qadis aqoon, qaraf-na loo dhiibin
Qusumkaasi waa sugan yahee, qoomomo la’aada
Qadafkana ka jira qaranimaa, qoys ka waafiyaha e..
 
 
Abwaan. Qorane Wacays (Gabay-xoogleh) 
Diyaarintii & Soo Saaristii
Arrale Media Production
www.arralemedia.com
Email. webmaster@arralemedia.com
Facebook. Arrale Media Pro.
Tel. 0046707469955
 

SOMALIA: Elman beats Horseed by 3-1

$
0
0

image: 

Mogadishu (RBC) Elman FC the defending champions of Somalia’s 2012 division A championship have defeated the Somali military-owned club Horseed by 3-1 on Monday. Yesterday’s match was the 4th match for both Elman and Horseed. Elman are leading the competition with 10 points while Horseed have only three points and it  is the second lowest team in the tournament.
In the 4th minute of the first half Elman’s striker Mohamed Nur Sharkey scored the first goal, but in the 37th minute of the same half Abdi weli Mohamed Mahmoud have equalized, Only six minutes later that coincided with the 43rd minute of the same half Sharkey scored his second goal making the match 2-1 with Elman in the lead.
In the early minutes of the second half Horseed lost three free kick opportunities, but in the 50th minute of the second half National team and Elman FC striker Sa’ad Saleh Hussein scored the last goal for his team that compelled Horseed to lose all hopes.
However Monday’s match ended in 3-1 in favor of Elman FC.
 
RBC Radio

QORISTA DASTUURKA ISLAAMIGA AH (3) !

$
0
0

Akhristoow wali waxaa inoo socda masaa’ilkii aan ka soo qaadanay kitaabkii Mowlaanaa Abuu Aclaa AL-mowduudi ee ( Tadwiin AL-dastuur AL-Islaami ) :
[ wuxuu shiikhu ku yiri fasalka seddexaad ee kitaabkaas , waxaan rabaa in aan idiin sheego Masaa'il aad muhimad u leh aasaasna u ah Dastuurka Islaamiga ah anigoo soo gaabinaaya waxaan ka helnay masaadirta asaasiga ah ee Islaamka, taas baanan ku ogaan doonaa in Islaamka nagu hanuuninaayo Masaa'il Dastuuri ah iyo in kale?.
Halkaana kuma soo qaadanaayo ilaa sagaal mas'alo mooyee wax kale, kuwaas oo ka mid ah masaa'isha Aasaasiga ah oo kala ah :
1) Xukunka yaa iska leh Sidiisaba ?ma Boqor boqortooyinka ka mid ah amase dabaqad Dabaqooyinka ka mid ah ama Qoys Qoysaska ka mid ah, Mise Allaah Subxaanahu wa tacaalaa ???.
2) Maxay tahay xuduuda ay ku shaqeyneyso Dawladda Islaamiga ah ? Xad intee le'eg bayna dadweynuhu adeecayaan, Goormayna u qalmaan in la adeeco ?.
3) Xududuud intee le'eg bay ku shaqeynayaan Qeybaha kala gadisan ee Dawladu ka kooban tahay ( organs of the state ) Golaha Fulinta ( Executive) iyo Golaha Maxkamadaha ( Judiciary) iyo Golaha sharci dejinta ( lagislative ) iyo noocyada ay u kala shaqeynayaan iyo xiriirka dhexdooda ka dhaxeeya.
4) maxay ku dhisan tahay Dawladaan oo ay higsaneysaa in ay fuliso, maa maxay mabaadida Asaasiga ah ee Siyaasadeeduna leedahay .
5) muxuu noqonayaa dhismaha xukuumaddu si ay u socdsiiso Nidaamka Dawladnimo.
6) maxay yihiin sifaadka looga baahan yahay Madaxda Dawladda si ay u noqdaan kuwo u qalma hogaaminta wadanka.
7) Dastuurku muxuu ka sheegayaa Arrimaha lagu noqon karo Ruux Muwaadin ah ( citizenship) Sidee buuna shaqsigu uga mid noqon karaa Ruux muwaadin ah.
8) Xuquuq intee dhan baa dawlladu ku yeelan kartaa dadweynaheeda ?
9)xuquuq intee dhan baa dadweynuhu dawladda ku yeelanayaa ??? ]
Bogga 19-20
.
Sagaashaas qodob ayuu Shiikh Abu Aclaa kaga hadlay kitaabkiisa ( Tadwiin AL-Dastuur AL-Islaami) waxaanna isku dayeynaa in aan soo gaabino Arrimahaas sagaalka ah .
1 ) YAA XUKUNKA ISKA LEH :
Allaah kaligiis (SWT) ayaa iska leh Xukunka, asaga kaligiis uun baa ah midka Amarkiisa u raaya ( فَعَّالٌ لِّمَا يُرِيدُ ) waa midka wuxuu doono sameeya , waa midka kaliyah ee waxa uu sameeyo aan la su,aalin ( لَا يُسْأَلُ عَمَّا يَفْعَلُ وَهُمْ يُسْأَلُونَ ) waana Allaah wax awooda ee xoogga leh ee caziizka ah ee gacantiisu ay ku jirto lahaanshaha wax kasta ( بِيَدِهِ مَلَكُوتُ كُلِّ شَيْءٍ ) waana Allaaha kaliyah ee uusan suldhadiisu aysan awood kale xadeyneynin ( وَهُوَ يُجِيرُ وَلَا يُجَارُ عَلَيْهِ )waa Allaha wax magan galiya ee aan asaga ruuxna magan galin , waana Allaaha ka Nasahan gefka ( الْمَلِكُ الْقُدُّوسُ السَّلَامُ ) waana Allah Boqor ah ,daahir ah Nabadgaliye ah .
Sidiisaba Islaamku arrinka Xukunka waa soo afjaray wuxuuna xukumay in Allaah kaliyah uu leeyahay, waxaanna ka mid ah Aayadaha arrinkaas soo afjaray : ( إِنِ الْحُكْمُ إِلاَّ لِلّهِ أَمَرَ أَلاَّ تَعْبُدُواْ إِلاَّ إِيَّاهُ ذَلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَـكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لاَ يَعْلَمُونَ ) 12:40-
Allaah wuxuu Quraankiisa ku yiri Xukunka uma sugnaanin ilaa Allaah mooyee, wuxuuna faray in aadan caabudin asaga mooyee kaas ayaa ah Diinta toosan se dadka badankiisu ma oga ) 12:40
Sidoo kale Aayad kale wuxuu Allaah ku yiri : (
اتَّبِعُواْ مَا أُنزِلَ إِلَيْكُم مِّن رَّبِّكُمْ وَلاَ تَتَّبِعُواْ مِن دُونِهِ أَوْلِيَاءَ قَلِيلاً مَّا تَذَكَّرُونَ ) 7:3 )
Allaah wuxuu leeyahay : ( Raaca wixii Allaah agtiisa la idinkaga soo dajiyey oo hana raacina wixii asaga ka soo haray oo gargaara ah …) 7:3
Sidoo kale xukunka Allaah oo laga tago wuxuu Quraanku ku tilmamay kufri cad ( ومن لم يحكم بما انزل الله فاولئك همالظالمون ) 5:45 )
Allaah wuxuu yiri ( Ruuxii aan kitaabka Allaah isku xukumin kuwaas ayaa gaalo ah ) . 5:45
waxaa halkaas si cad ugu cadaanaaya in Aayadaan uu Islaamku & iimaankuba yahay in loo hogaamsamo xukunka Allaah oo loo madax raariciyo, diiditaankiisuna ma ahan ilaa kufri mooyee ] bogga 21-28
2) Maxay tahay xuduuda ay ku shaqeyneyso Dawladda Islaamiga ah :
Haddiiba aan horay u soo ogaanay in dawladda Islaamku ku shaqeyneyso xukunka Allaah kaliya , waxaan halkaas ka ogaaneynaa in xuduudeedu ay kooban tahay ooysan dhaafi kareynin xuduuda Allaah ,waxaan halkaas ka arkeynaa in Allaah Aayaddo farabadan wax ku faraayo ama wax ku reebaayo haddana uu daba dhigaayo :
( تِلْكَ حُدُودُ اللّهِ فَلاَ تَقْرَبُوهَا ) Allaah wuxuu leeyahay :( Taasi waa Allaah xuduudisii ee ha u dhawaanina ) 2: 187
Sidoo kale waxaa imaanaaya Qaacido Guud oo ah :
( ا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ أَطِيعُواْ اللّهَ وَأَطِيعُواْ الرَّسُولَ وَأُوْلِي الْأَمْرِ مِنكُمْ فَإِن تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللّهِ وَالرَّسُولِ إِن كُنتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ ذَلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلاً ) 4:59
Sidaan Aayadaan ku arkeyno waxay na tusineysaa in daacadda dawladdu ku xirantahay daacadda Allaah & rasuulkiisa.
Taas macnaheeduna wuxuu noqonayaa dawladdu xaq uma laha in ay dadweynaha adeecis weydiisato haddii aysanba ayaduba ku taagneyn adeecista Allaah, siduu Nabiguba yiri NNKH : ( Adeecis ma jirto la Adeecaa- mid la abuuray- si Allaah loo caasiyo ) masnadka Imaam Axmed.
Sidoo kale Aayaddu waxay sugeysaa in wax kasta oo khliaaf ah oo ka dhex dhaca mujtamaca Muslimka ah loo celiyo xukunka Aasaasiga ah ee aan kala kulanay Allaah & Rasuulkiisa.
Halkaas baan ku soo gabagabeynayaa maqaalkaan waa inoo qeyb 4aad oon kaga hadli doono xiriirka ka dhaxeeya seddexda qeybood ee dawladda qeybta fulinta,qeybta Baarlamaanka iyo Qeybta Maxkamadaha insh allaah.
fii amaani laah
Shiikh Sahid mohamed yusuf
USA,VA
Al-mutakhasis fi l xarakaat Al- Islaamiyah

Siilaanyo iyo Sheekh Shariif oo Dhawaan Kulmaya

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa maanta u amba baxaya dalka Isutagga Imaaraadka Carabta si uu ula kulmo Madaxweyne Shariif Sh Axmed.

Dhinaca kale, waxa habeenkii xalay madaxtooyada Somaliland lagu qabtay xaflad lagu maamuusayey sanadguurada 52aad markii Somaliland ay xornimada ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska.

Dalka Masarna, waxa ka furmay tababar loo qabanayo saraakiil ka kala socota wasaaradaha arrimaha dibadda ee Somalia iyo Somaliland, iyaga oo halkaas lagu bari doono dhinacyada xiriirka caalamiga ah, borotokoolka, iyo qeybo kale.

R/Wasaare Gaas: Ka Hor Bisha Augusto Ayaa La saarayaa Al-Shabaab

$
0
0
Raysal wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ka hor bisha August ay la wareegi doonaan deegaannada ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab.

Raysal wasaaraha ayaa wuxuu tilmaamay in qorshuhu uu yahay in Al-Shabaab laga saaro dhamaanba deegaanada ay ka arimiyaan isla markaana ay la wareegaan ciidanka dowlada Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Raysal wasaaraha in uu soo dhowaynayo in la gaaro dowladnimo Rasmi ah oo dhamaanba dowladu ay isku fidiso dhamaanba gobalada Soomaaliya.
Raysal wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Ciidamada oo ay taakuleeyaan islamarkaana ay garab istaagaan.
Wuxuu intaa ku sii daray Raysal wasaaraha Soomaaliya hadii ciidamada dowlada ay helaan taageerada shacabka in ay u suurta galayso in ay la wareegaan dhamaanba gobalada Soomaaliya.
Hadalkan ayaa Raysal wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas waxa uu ka jeediyey Degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe halkaas oo uu gaaray gelinkii dambe ee Shalay markii arroornimadii hore ee Shalay ay la wareegeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Dalka Jabuuti oo laga xusayo maalinti ay ka xoroobeen gumeytihii Faransiiska

$
0
0
image: 

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta laga xusayaa sanadguuradii 35 aad ee ka soo wareegtay markii dalkaasi uu madaxbannaanidiisa ka qaatay gumeytihii Faransiiska oo ku asteysneyd 27-ka June 1977.
Dowladda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta si weyn ugu dabaaldegaya sanadguuradii 35 aad ee ka soo wareegtay markii ay ka xoroobeen gumeytihii Faransiiska iyadoo fantasyaha maalintan laga dareemayo caasimadda iyo gobollada kale ee dalkaasi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeybgalay munaasabaddii calansaarka ee xalay lagu qabtay caasimadda Jabuuti ayaa shacabka Jabuuti u diray hambalyo ku aadan maalinta xorriyadda, isagoo ka hadlay halgankii loo soo galay madaxbannaanida Jabuuti wuxuuna u rajeeyay shacabka Jabuuti horumar iyo barwaaqo.
Walaalaha  Jabuuti ayaa madaxbanaanidooda ka qaatay Faransiiska maantoo kale 27 June sanadkii 1977 oo ay ka soo wareegtay 35 sano,  waxaana muddadaasi uu dalka Jabuuti ku tallaabsaday horumar la taabankaro oo dhan walba ah, iyadoo madaxda iyo shacabka Jabuuti lagu xasuusto sida ay uga damqadeen dhibaatada ku raagtay ummadda Soomaaliyeed isla markaana ugu hiiliyeen,  taas oo aan marnaba ka go’doonin quluubta ummadda Soomaaliyeed.


Waa sidee xaalada degmada Balcad saakay?

$
0
0

Xaalada degenaansho ayaa saaka ka jirta degmada Balcad ee gobolka
Shabellaha Dhexe, iyadoo dadweynaha reer Balcad uu u baryay waa cusub,
markii Al-Shabaab laga qabsaday degmada ay muddo ka talinayeen.

Sida wararku sheegayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ayaa
fariisimo ka sameystay gudaha iyo daafaha, iyadoo ammaanka yahay mid si
weyn loo adkeeyay.

Mid ka mid ah dadka ku nool degmada Balcad ayaa sheegay in saaka ay
ku soo tooseen jawi degenaan ah, isla markaana ciidamada dowladda ay ku
sugan yihiin gudaha iyo daafaha.

Ciidamada huwanta ayaa fariisimo ka sameystay Saldhiga booliska,
xarunta maamulka, warshadii dharka Balcad iyo buundada, waxaana saaka
la filayaa in howl galo ka sameeyaan ciidamada gaarka ah.

Shalay markii ciidamada ay qabsadeen Balcad ayaa waxaa booqasho lama
filaan ah ku tagay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya C/wali gaas oo sheegay
inay farxad u tahay 31-sano kadib uu booqdo degmadaas.

Al-Shabaab ayaa ku sugan degmada Jowhar oo ay gaareen ciidamadooda,
iyadoo tuulooyinka ku dhow dhow ka wadaan olole dadka ugu baaqayaan
inay dagaalka galaan.

Degmada Balcad ayaa noqoneysa degmadii labaad oo deris la ah
magaalada Muqdisho ay la wareegaan ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom
muddo bil gudahood, iyadoo bishii la soo dhaafay dhamaadkeeda ay
qabsadeen degmada Afgooye.

XOG: Amisom oo Markii Ugu Horeysay Afhayeen Looga Dhigayo Nin Af-Soomaaliga Ku Hadla

$
0
0

Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya [AMISOM] ayaa markii ugu horeysay yeelanaya afhayeen cusub oo ku hadli kara Af Soomaaliga iyadoo la bedelayo afhayeenka hadda ee Amisom oo ah nin u dhashay wadanka Uganda.
Sarkaal ka tirsan taliska AMISOM ayaa u xaqiijiyey Shabakada Raxanreeb in maalmaha soo socda xilka la bedeli doono Capt. Paddy Nkunda oo ah afhayeenka haatan ee ciidamada AMISOMoo ah nin u dhashay wadanka Uganda isla markaana mudo dheer ahaa afhayeenka ciidamada AMISOM.
Afhayeenka cusub ee ciidamada AMISOM G/lle Dhexe Maxamed Aadan Xaamud oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada militariga ee wadanka Jabuuti kaasoo haatanba ku sugan magaalada Muqdisho.  Wuxuuna Xaamud noqon doonaa afhayeenka guud ee dhamaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya kuwaasoo ay ku jiraan ciidamada Jabuuti iyo kuw Kenya.
G/lle Dhexe Maxamed Aadan Xaamud oo mudo dheer ka tirsanaa ciidamada dhulka ee Jabuuti ayaa ah nin aqoon iyo khibrad u leh arimaha warfaafinta, waxaana uu ku hadlaa luuqadaha Soomaaliga, English, Carabiga iyo Faransiiska.
G/lle Dhexe Maxamed Aadan Xaamud wuxuu noqonayaa afhayeenkii saddexaad oo soo mara taliska AMISOM tan iyo sanadkii 2007 markaasoo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay dalka yimaadeen.
Dib u habeynta jagooyinka AMISOM
Isbedelkan ayaa qeyb ka ah dib u habeyn lagu sameynayo xilalka sare ee taliska AMISOM kuwaa oo loo kala qeybinayo wadamada ciidamada ku soo biiriyey AMISOM oo ay ku jiraan Jabuuti iyo Kenya.
Shaxda cusub ee dib u habeynta xilalka hogaanka ciidamada oo Raxanreeb ay heshay ayaa muujinaya illaa afar waaxood (4 zones) oo loo kala qeybiyey hawlgalada ciidamada AMISOM ee gudaha Sooomaaliya.
ZONE 1: Waxaa loo yaqaanaa Muqdisho iyo labada Shabeelle (Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe) waxaa loo xilsaaray ciidamada Uganda iyo Burundi oo haatanba u kala dhaqaaqaay jihooyinka Afgooye iyo Balcad.   Waxaa qorshuhu yahay in ciidamadan ay gaaraan illaa degmada Baraawe iyo Jowhar.
ZONE 2: Waxaa ku wada jira Jubbooyinka, waxaana loo xilsaaray ciidamada Kenya oo haddaba soo gaaray degmada Afmadow.  Qorshuhu wuxuu yahay in ay qabtaan magaalada Xeebta ee Kismaayo ugu dambeyn bisha Agoosto. 
Ciidamadii ugu horeeyay ee Jabuuti waxay Muqdisho yimaadeen 20 Dec, 2011
Ciidamada Kenya waxaa duulaanka kula jira ciidamo taabacsan DKMG ah iyo maleeshiyaadka Raskambooni oo deegaanadaasi u dhashay.
ZONE 3: Waxaa loo yaqaanaa gobolada Gedo, Baay iyo Bakool.  Waxaana loo xilsaaray ciidamada Siiraalyoon kuwaasoo ay tahay inay soo gaaraan ugu dambeyn bisha Agoosto.  Ciidamada Siiralyoon waxaa duulaanka kula jiri doona ciidamada Ethiopia oo horay degmooyin ka mid ah gobolada uga saaray Al Shabaab.  Ethiopianka kama tirsana AMISOM hase yeeshee waxay saraakiishooda sheegeen inay taageerayaan DKMG ah.
ZONE 4: Waxaa loo calaamadiyey gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka, waxaana hawlgalada ka socda loo dhiibay ciidamada Jabuuti oo hadda tiro yar ay ka joogaan.  Jabuutiyaanka oo 20 Disembar 20-11 soo gaaray Muqdisho Waxaa laga rabaa inay keenaan illaa 850 askari oo ah tirada uga mid noqoneysa AMISOM.   Jabuutiyaanka waxay kaloo xarumo dhexe ku yeelanayaan magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne.
Sida ilo wareedka uu sheegayo waxaa DKMG ah ay gobolka Hiiraan ka wadaa ururinta ciidamo kaabaya kuwa Jabuutiyaanka kuwaasoo ay qeyb ka yihiin maleeshiyaadkii horay uga barbar dagaalami jiray Ethiopianka ee ku sugan Beledweyne.
Dhanka Galgaduud oo ah fadhiga ugu weyn ee ururka Ahlusuna waxaa ka soo dagaalami doona ciidamada Ethiopianka iyagoo ay wehlinayaan xoogaga Ahlusuna ee dagaalka kula jira Al Shabaab.
Ahlusuna waxaa looga fadhiyaa in maalmo gudahood ay ku dhawaaqdo taliye guud oo ciidankoodu uu yeelanayo si meesha looga saaro khilaafaad soo laalaabtay oo hab qabiil ku saleysan oo ka dhex taagan kooxda Ahlusuna kaasoo loo arko inay caqabad ku noqotay hawlgaladii gobolja Galgaduud ka socday.   Arintan waxaa si gaar ah looga hadlay kulankii taliyaha ciidanka Ethiopia Gen Gabre uu Muqdisho kula qaatay habeen hore raysul wasaare C/weli Gaas iyo wasiirka gaashaandhigga.
Sarkaal ka tirsan taliska AMISOM ayaa Raxanreeb u sheegay in qorshuhu yahay in degmooyin badan gacanta dawlada KMG ah la soo geliyo ka hor inta aan la gaarin bisha Agoosto oo ay dhacayso doorashada madaxtinimada ee dalka, laakiin waxaa jira caqabado muuqda oo ay tahay in marka hore la xaliyo kuwaasoo ay ugu horeeyaan tirada yar ee Jabuutiyaanka oo ay tahay in la soo dhameystiro iyo in DKMG ah ay dagaalada ku barbar wado diyaarinta ciidanka amniga iyo maamulada degmooyinka iyo heerka gobol si deegaanada loo qabsado aysan uga dhicin fawdo iyo marnaansho dhanka amaanka ah taasoo ay dhicvi karto in maleeshiyo beeleedyada ay ka faa’ideystaan.

Xigasho RBC Radio

Gudoomiye kuxigeenkii Ceelasha Biyaha oo dhaawac u geeriyooday.

$
0
0

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar qorsheysan ay shalay gelinkii dambe ku dileen gudoomiye kuxigeenkii deegaanka Ceelasha Biyaha ee dowladda ay dhowaan u magacawday, iyadoo warar qaar ay sheegayaan in gaari uu la socday la qalibmay. Gudoomiye kuxigeenka oo lagu magacaabayay Maxamed Aadan Qoorgaab ayaa la sheegay in isaga iyo qaar ka tirsan ilaaladiisa gaarigii ay jidka u galeen dagaal yahannoloo ka tirsan ururka Alshabaab.

Dagaal ka dhacay Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xalay halkaasi ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyey ciidamada dowlada iyo Al-Shabaab. Dagaalka ayaa ka danbeeyey marki dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay duleedka Badhaadhe ku lahaayeen ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya sida ay saraakiisha xaqiijiyeen. Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha soo kala gaadhay dhinacyada halkaasi ku dagaalay

USAID oo Somali Kula Kulantay Seattle

$
0
0

Masuuliyiin ka socotay hay’adda Gargaarka u qaabilsan Mareykanka ee marka magaceeda la soo Gaabiyo la yirahdo USAID, ayaa xalay kulan wada tashi ah la yeeshay Aqoonyahanada, odayaasha iyo qeybaha kale ee bulshada ee Somalida ku nool Magaalada Settle ee gobolka Washington.

Hay’adda ayaa kulankaasi talooyin ku weydiisaneysay Somalida Mareykanka ee Magaaladaasi,  sidii ay gacan uga geysan lahaayeen qorshe hay’adu ay ka fulineyso Somalia oo la magac baxay Talaabooyinka Xilliga kala Guur ee Xasilinta Somalia. Oo loo yaqaan TIS-SOMALIA

Qorshahaas oo isugu jira abuurista fursade dhaqaale, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, Cusbitaladda, Suuqyada, wax soosaarka beeraha iyo dhismaha dowladdaha hoose ee dhulka laga saaray kooxda Alshabab.

wareysi ku saabsan arintaasi oo aan la yeelanay Ceynab Cabdullahi C/raxman oo ka mid ahaa aqoonyahankii somaliyeed ee ka qeybgalay kulankaasi, halka hoose ee qoraalkan ka dhageyso.

Viewing all 47025 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596344.js" async> </script>