Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle.
Hoos riix si aad u Dhageysato:-
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-13072019.mp3
Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle
Farmaajo oo cambaareeyey Weerarkii Kismaayo
Muqdisho (SMN)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii xoogaana ee ka dhacay magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha ayaa u rajeeyey dadka dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, isagoona Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.
“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray hay’adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Jubbaland iyo kuwa heer dowlad Goboleed in ay sare u qaadan feejignaantooda oo ay sugaan amniga.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay bulshada Jubbaland in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaannada oo ay ku soo food leedahay doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland.
Sawirro: Axmed Madoobe oo booqday dad dhaawacyo ah
Muqdisho (SMN)– Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqdayxalay Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo halkaas oo la geeyay dadkii ku dhaawacmay weerarka Argagixisadu maanta ku qaaday Hotelka Madiina ee Magaalada Kismaayo.
Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqday qaybta gargaarka deg dega ah oo shaqo adag ay ka hayaan Dhakhaatiirta kala duwan waxaa uu tacsi u diray dhamaan ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay Qaraxa, isagoo caafimaad taam ah u rajeeyay dadka dhaawacyadu soo gaareen waxaa kale oo Madaxweynahu uu balan qaaday in Caafimaad dibada ah loo qaadayo dadka aan xaaladooda dalka gudahiisa waxba lagaga qaban karin.
Ciidamada amaanka ayuu ku amaanay sida ay uga jawaabeen weerarka waxaana uu xusay in ay soo badbaadiyeen dad farabadan kuwaas oo hotelka daganaa.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/3-1-300x200.jpg 300w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/3-1-768x512.jpg 768w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/3-1-696x464.jpg 696w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/3-1-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" /> https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/2-1-300x200.jpg 300w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/2-1-768x512.jpg 768w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/2-1-696x464.jpg 696w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/2-1-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" /> https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/1-300x200.jpg 300w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/1-768x512.jpg 768w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/1-696x464.jpg 696w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/1-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" /> https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/4-1-300x200.jpg 300w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/4-1-768x512.jpg 768w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/4-1-696x464.jpg 696w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/4-1-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" />
Ciidamada Jubbaland oo soo afjaray weerarkii Kismaayo
Kismaayo (SMN)– Ciidanka Aminiga Jubbaland ayaa soo afjaray weerarkiii Al Shabaab ay kula galeen Hoteelka Madiina Ex Cascaseey ee Magaalada Kismaayo.
Waxaa uu dagaalka socoday muddo ka badan 10 Saacadood ah , ilo deegaanka ah oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in 2 ka mid ah Dagaalamayaashii weeraray Hoteelka ay baxsadeen.
Inta la xaqiijiyay waxaa ku Geeriyooday weeraradaasi oo isugu jiray Qaraxyo iyo Tacshiirad ku dhawaad 10 qof , halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada Ammaanka Jubbaland ayaa baaritaanno ka wada waxaana lagu soo warramayaa in Maamulku Damiyeen Qadkii Isgaarsiinta.
Al Shabaab oo ka hadlay weeradaasi ayaa sheegay in ragga gudaha hoteelka ka dagaallamaya ay muddo sedax jeer ah iska difaaceen weeraro uga yimid ciidamo huwan ah islamarkaana ay Saacado badan heysteen dhismaha Hoteelka Madiina Ex Cascaseey.
Dadka ku Geeriyooday weeraradaasi isugu jiray Qaraxyada iyo Tacshiirada ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Ismaaciil Shakur oo ahaa Musharax u taagan xilka Madaxweyne ee maamulka Jubaland horayna u soo noqday Wasiir ku xigeenki Howlaha Guud Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.
Madaxii Hay’adda Saado Deeq Ciise , Jaamac Fariid oo isna soo noqday Wasiirkii Ganacsiga Maamulka Jubbaland , ahaana Seygii Wariye Hodan Naaleeye oo iyana ka mid ahayd dadkii uu gallaaftay weerarkaasi.
Hodan Naaleeye ayaa ahayd Saxafiyad u dhaq dhaqaaqda Arrimaha Bulshada Soomaaliyeed , iyadoo Barnaamijyo soo jiidasho leh ka sameyn jirtay Horumarrada iyo Hal Abuurka Bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa Isna ka mid ahaa Dadka weerarkaan ku Geeriyooday Wariye Mohamed Sahal Omar ( Gacmadheere ), oo Wakiil Wareed uga ahaa Magaalada Kismaayo Television-ka SBC ee fadhigiisu yahay Puntland
Dhinaca kale waxaa dadkii weeraradaasi ku dhaawacmay ka mid ahaa Xildhibaan Xasan Yare oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , oo isagu ka mid ahaa Dadkii ku sugnaa Hoteelka wax ka dhaceen.
Ilo wareedyada ayaa intaas ku daraya in Ciidamada Ammaanka ay u suura gashay bilowgii weerarka in Hoteelka ay ka badbaadiyaan Senatarro ay ka mid yihiin Iftiin Xasan Baasto,iyo Axmed Xaashi ayaa laga Badbaadiyay Hoteelka.
Hoteelka Madiina Ex Cascaseey ayaa waxaa Degenaa , Xubno ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Somalia, Musharrixiin , qaarkood ah kuwa ugu Cad Cad doorashada Madaxweyne ee maamulka Jubbaland sida Musharaxa Cabdullahi Ciilmooge Xirsi oo hadda ku sugan Magaalada Muqdisho iyo Dad kala duwan oo ay ku jiraan Ergooyin taabacsan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo intooda badan dhawaan soo gaaray magaalada Kismaayo.
Musharrax Ciilmooge oo ka hadlay weerarkii Kismaayo
Kismaayo (Caasimada Online)– Musharrax Madaxweyne C/laahi Ciilmooge Xirsi oo u warramay Shabelle ayaa ka hadlay weerarkii shalay gelinkii dambe Al-Shabaab ay ku qaadeen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Ciilmooge ayaa sheegay in la filayay in xilliyadan oo kale Al-Shabaab ay kordhiyaan weeraradooda, maadaama la guda gali rabo doorashada maamulka Jubbaland.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in isagu uu ka mid ahaa mas’uuliyintii daganaa Hotelka la weeraray.
Musharrax Ciilmooge ayaa ugu baaqay ciidanka Jubbaland inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, islamarkaana ay kordhiyaan baaritaanada lagu xaqiijinayo amniga.
Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga.
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/ciil.mp3
Sawirro: Labada Gole ee Baarlamaanka oo heshiiyey
Muqdisho (SMN)– Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xalay kulan socday mudo laba saac ku dhow ku yeeshay Magaaladda Muqdisho.
Kulanka oo ay goob joog ahaayeen guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ iyo guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Aqalka sare Mudane Abshir Axmed Maxamed ‘’Abshhir Bukhaari’’,waxaana ugu dambeyn guddoomiyaasha labada aqal oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay uu guddoomiyaha golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu sheegay in shirka laga soo saaray in laga gudbo wixii cabasha ahaa ee labada aqal dhexdooda ahaa islamarkaana dib loo soo celiyo wada shaqeyntii labada Aqal.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa sheegay in maadaamaa dalka uu doorasho u diyaar garoobaayo islamarkaana labada aqalba ay horyaalaan shuruuc muhiim ah lagu heshiiyay horumarinta iyo dar dar gelinta wada shaqeynta labada dhinac,sidoo kalena la sameeyo xeer hoosaad labada aqal ka dhaxeeya iyo sidoo kale dhisida guddiga adeega Baarlamaanka.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:
Hodan Naleye: "waxay dadka u sheegi jirtay in Soomaaliya mustaqbal ifayo leedahay"
Hodan Allaha u naxariistee Waxay ifka kaga tagtay laba wiil.
Jubbaland oo shaacisay dadkii ku dhintay weerarkii Kismaayo
Kismaayo (SMN)– Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shaaciyey khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkii shalay gelinkii dambe Al-Shabaab ay ku qaadeen hotelka Midiina Ex Cascasey oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Axmed Madoobe ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dhinteen illaa 26 Qof, kuna dhaawacmeen 56 kale.
Dadka dhintay wuxuu tilmaamay inay ku jiraan dad Ajanabi ah oo u kala dhashay dalalka : Kenyan 3 qof, Canadian 1 qof, British 1 qof., American 2 qof, Tanzanian 3 qof iyo China 2 Qof oo dhaawac ah
Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa intaasi ku daray in ragga weerarka soo qaaday ay gaarayeen afar, islamarkaana labo ka mid ahaa la toogtay, halka mid nolosha lagu qabtay, midna uu is qarxiyey.
Ugu dambeyn waxa uu ku amaanay ciidamada ammaanka, sida ay uga jawaabeen weerarkaasi, ugana hortageen.
Somalia security forces end militant attack on hotel
Somalia’s security forces on Saturday ended an overnight attack by the al Shabaab Islamist militant group on a hotel in the southern port city of Kismayu that killed at least 13, a police officer said.
“The operation is over,” police officer Major Mohamed Abdi told Reuters by telephone from Kismayu.
“So far we know 13 people died. Many people have been rescued. The four attackers were shot dead.”
Members of the al-Qaeda linked group stormed the hotel after targeting it with a car bomb on Friday while local elders and lawmakers were meeting to discuss approaching regional elections.
A second witness put the death toll at 14.
“The operation was concluded at 7 a.m. We know at least 14 people died including journalists and (local election)candidates. These are prominent people. The death toll is sure to rise,” local elder Ahmed Abdulle told Reuters.
A journalists’ group had confirmed on Friday that two journalists were among the dead; Somali-Canadian journalist Hodan Naleyah, the founder of Integration TV, and Mohamed Sahal Omar, reporter of SBC TV in Kismayu.
Separately, Mohamed Ibrahim Moalimuu, general secretary of the Federation of Somali Journalists, said in a statement: “We are saddened and outraged by this loss of life, and condemn in the strongest possible terms this appalling massacre.”
Al Shabaab was ejected from Mogadishu in 2011 and has since been driven from most of its other strongholds.
It was driven out of Kismayu in 2012. The city’s port had been a major source of revenue for the group from taxes, charcoal exports, and levies on arms and other illegal imports.
Kismayu is the commercial capital of Jubbaland, a region of southern Somalia still partly controlled by al Shabaab.
Al Shabaab remains a major security threat, with fighters frequently carrying out bombings in Somalia and neighboring Kenya, whose troops form part of the African Union-mandated peacekeeping force that helps defend the Somali government.
Daawo sawirro muujinaya waxyeellada soo gaaratay hoteelkii la qarxiyay
Waa qaar ka mid ah sawirada Hoteelkii la weeraray oo ay wax yeello ka soo gaartay, sida kuu muuqato waxaa hoteelka oo lagu magacaabo Madina soo gaaray bur-bur culus.
NUSOJ mourns the deaths of two Somali journalists in suicide bombing
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) deeply mourns the deaths of two journalists following a car bomb went off in a popular hotel in Somalia’s port city of Kismayo where political figures and traditional elders were meeting.
Islamist group Al-Shabaab said it had carried out this suicide attack. Journalist Mohamed Sahal Omar, known Ga’ma-Dhere, who works for Puntland-based Somali Broadcasting Corporation (SBC) was killed by Al-Shabaab fighters who stormed the hotel after the car bomb blast at Asasey Hotel.
Female journalist, Hodan Nalayeh, founder of Integration TV, was also gravely wounded in this attack and died in the hospital. Omar was shot in the head as he trying to take pictures of the Al-Shabaab fighters, according to 2 people who were rescued from the attack.
“We mourn the senseless deaths of our two colleagues, Mohamed Sahal and Hodan Nalayeh, who were both murdered in a cowardly and senseless terrorist attack. NUSOJ extends its deepest condolences to the families of Mohamed and Hodan, and to our professional colleagues in Kismayo for this terrible tragedy,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General.
The death of two respected journalists is a serious loss for journalism in Somalia and shows how danger often lurks for conscientious professionals in the most unexpected places. Hodan Nalayeh recently returned from Canada and has been running popular TV program on social issues. Hodan’s husband was also killed in the attack.
“The death of Hodan and Mohamed speaks of the continuing hazards that journalists face in Somalia” added Osman. “They were deeply committed to independent journalism and the principles of a free media”.
Hodan Nalayeh, 43, and Mohamed Sahal Omar, 35, are the first two journalists who were killed in Somalia in this year.
UN chief condemns attack on hotel in southern Somalia
UN Secretary-General Antonio Guterres condemns the terrorist attack on a hotel in southern Somalia, which killed at least 10 people, his spokesman said Friday.
Guterres expresses his condolences to the families of those who lost their lives in the attack and wishes a swift recovery to the injured, Stephane Dujarric said.
The spokesman added the secretary-general reaffirms the UN’s support for and solidarity with the Somali people in their pursuit of a peaceful future.
Earlier Friday, armed militants stormed a hotel in the Somalian port city of Kismayo after they rammed a vehicle loaded with explosives at the entrance.
The hotel is popular among members of parliament and ministers. Some lawmakers were reportedly residing at the hotel at the time of the attack.
Residents said the hotel recently hosted the delegates for the upcoming presidential and parliamentary elections in Jubaland, an autonomous region in southern Somalia.
Tirada Dhimashada Weerarki Kismayo oo Korortay
Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa deggan kadib markii ay ciidamada amaanka saakay dileen kooxihi weeraray hoteelka Cascaseey oo lagu laayay 26 ruux oo rayid u badnaa.
Dhageyso: Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle.
Hoos riix si aad u Dhageysato:-
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-13072019.mp3
Xoghayaha QM oo war ka soo saaray weerarkii Kismaayo
New York (SMN)– Xoghayaha guud ee Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa, António Guterres, ayaa cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee ay Xarakada Al-Shabaab ku qaadday shalay Hotel ku yaalla magaalada Kismaayo.
Afhayeenka xoghayaha guud, Stephene Dujarric, ayaa sheegay in sidoo kale uu Mr; Guterres uu tacsi tiiraanyo leh u dirayo Qoysaska kuwa naftooda ku waayay weerarka wuxuuna u rajeeyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo kabtaan waxyeelladii ka soo gaadhay gaadhay halkaasi.
Xoghayaha guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxeysa,Antonio Guterres, ayaa ugu dambeyn sheegay in ay Qaramada midoobay Bulshada Soomaaliyeed u hayso taageera buuxda , una rajeynayso mustaqbal nabad ah.
Gaari ay la socdeen shacab oo lagu rasaaseeyey Sh/ Dhexe
Cadale (SMN)– Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar kooxo hubeysan ay ku qaadeen gaari rakaab ah oo marayey qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.
Gaariga oo ahaa Hoomey ayaa lagu soo warramayaa in lagu rasaaseeyey inta u dhexeysa degmada Cadale iyo deegaanka Biyo Cade ee gobolkaasi.
Inta la xaqiijiyey waxaa rasaastaasi ku dhintay 3 Qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 5 kale oo ka mid ahaa dadkii shacabka ahaa ee la socday gaariga.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxaha ka dambeeyey falkaasi ay dhac baahsan u geysteen rakaabkii saarnaa gaariga, iyaga oo ka qaaday agabkii ay siteen.
Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo kan HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi.
Inta badan waxaa Shabeelaha Dhexe dhibaatooyin xoogan ka geysta kooxo burcad ah oo ku sugan waddooyinka gobolkaasi.
Ciidamada Galmudug oo adkeeyey ammaanka Hobyo
Hobyo (SMN)– Ciidamada maamulka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay adkeeyeen amniga degmada Hobyo ee gobolka Galgaduudud.
Ciidamada ayaa baaritaano xoogan oo lagu xaqiijinayo nabad galyada ka wada gudaha magaaladaasi.
15-bishan ayaa la filayaa in Hobyo lagu qabto shirka dib u heshiisiinta qeyb ka mid ah Beelaha daga dowlad goboleedka Galmudug.
Odayaal, siyaasiyiin iyo ergo kale oo ka qeyb galeysa shirka ayaa haatan ku sii qul qulaya degmadaasi.
Shirkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan Dhuusamareeb uu ka dhici doono shirka guud ee dib u heshiisiinta Galmudug, kaas oo ay wado dowladda Soomaaliya.
Dhawaan ayaa sidoo kale la filayaa in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo mida Baarlamaanka ee maamulkaasi.
Weerarkii Masaajidka New Zealand: Tallaabo muhiim ah oo hirgashay
Waxaa dhaqan galay amar ay dowladda New Zealand usoo saartay weerarkaas awgiis
Martida: Wasiir Axmed Ciise Cawad
Ku soo dhawaada Barnaamijka Martida Makrafoonka, oo uu toddobaadkan marti ku yahay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad.
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington
Ku soo dhawaada barnaamijka Caweyska Washington. Waxa soo diyaariyay soona jeedinaya Cabdixakiin Maxamuud Shirwac.