Wararka ka imaanaya magaalada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay maanta degantahay, ka dib markii ay ciidamada amaanka saakay dileen kooxihii weeraray shalay ku qaaday hoteelka Cas-caseey .
Dhageyso: Warkii ugu dambeeyay ee xaaladda Kismaayo
Fannaanad caan ah oo marka ay seexaneyso afka iska sharooteysa
Adigu afka ma iska sharooteyn lahayd haddii laga helayo faa'iidadan?
Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle.
Hoos riix si aad u dhageysato
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-13072019.mp3
Wasiirka Hawlaha Guud oo hortegay Golaha Shacabka
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta horgaysay Golaha Baarlamaanka Hindise Sharciyeeyada kala ah:-
- Hindise Sharciyeedka Wadooyinka.
- Hindise Sharciyeedka Xamuulka & Xadaynta Cabirka Baabuurta.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdi Aadan Hoosow, Wasiir ku-xigeenka Jamaal Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Eng. Maxamed C/qaadir iyo Hawl wadeeno ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa hortagay Fadhigii Xildhibaanada Baarlamaanka ee Maanta.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Abdi Adam Hoosow ayaa Xildhibaanada Kahor sheegay Muhiimadda Sharciyeedyadan ay u leeyihiin Dalka iyo Heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay diyaarintoodu.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Marsiin doona Hindise Sharciyeedyadan Akhrinta 1aad & 2aad ayaagoona markaa kadib Ansixin doona.
Wafdi ka socda Qadar oo gaarey Dhuusamareeb
Dhuusamareeb (SMN) – Wafdi ka socday Qatar ayaa maanta gaarey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.
Diyaarad qaas ah ayaa waxay wafdigan ka dejisay madaarka caasimada gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Garoonka Diyaaraddaha waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ku jiro Wasiir dowladdaha difaaca xukuumada federaalka, Maxamed Cali Xaggaa.
Wafdiga oo ka socday Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Qadar ayaa la filayaa in ay kulan la yeeshaan ra’iisul wasaare Khayre oo halkaasi ku sugan.
John Cena oo soo bandhigay sawir lala yaabay oo ku saabsan Atariisho Hindi ah
Ninkan ayaa caan ku ah geesinimada uu ku sameeyo musaaracada
Midowga Afrika oo ka hadlay weerarkii Kismaayo
Muqdisho (SMN) – Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarkii shalay gelinkii dambe kooxdaAl-Shabaab ka geysteen Hotel ku yaalo magaalada Muqdisho,h alkaasi oo toboneeyo qof oo shacab ah lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawacay.
Ambassador Francisco Madeira, ayaa tacsi u diray qoysaska dhibanayaasha ay waxyeelada ka soo gaartay weerarka , isagoona dadka dhaawaca ah u rajeeyay iney si dhaqsi ah u bogsadaan.
“Soomaaliya waxay horumar weyn ka sameysay sidii ay u qabsan lahayd dhul baaxad weyn,waxayna argagixisada ka saartay meelo badan oo dalka ka mid ah. Ciidamada AMISOM waxay sii wadi doonaan inay taageeraan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyaga oo sii amba-qaadaya xoreynta deegaanada ku harsan gacanta kooxaha nabad diidka ah,” ayuu yiri Madeira.
Khayre oo Dhuusamareeb ku qaabilay wafdiga Qadar
Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ku qaabilay wafdi ka socda wasaaradda Gaashaandhigga dalka Qatar.
Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Saraakiisha Wasaaradda gaashaandhigga Qatar oo looga hadlay xoojinta taageerada Qatar ee dhismaha iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka amniga gudaha, wasuurudowlaha Wasaaradda Gaashaadhigga, Taliyayaasha ciidanka Xoogga, Booliska iyo Asluubta.
Dowladda Qatar ayaa ka qeyb qaadaneysa dhismaha ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan dhismaha xarumaha ciidamada ee ku yaalla Dhuusamareeb arrintaas oo qeyb ka ah barnaamijka taakuleynta ciidamada dowladda Soomaaliya.
Wafdiga oo ay wehliyaan taliyayaasha ciidamada dalka ayaa wadajir qiimeyn ugu sameeyay xarumaha ciidamada ee ku yaalla magaalada Dhuusamareeb oo dib-u-dhis laga billaabayo.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay Qaramaynta ciidamadii Ahlusunna Waljamaaca si ay qayb uga noqdaan ciidamada qaranka, looguna diyaariyo ka qayb qaadashada xoreynta deegaannada Galmudug ay uga sugantahay kooxda Argagaxisada.
Tayeynta ciidanka xoogga dalka, dhismaha xarumaha ciidanka, iskudhafka iyo qalababeynta ciidanka, ayaa qeyb ka ah halbeegyada ugu waawayn ee Tubta Amniga Iyo Caddaaladda.
Jubbaland oo lagu eedeeyay caburinta murashaxiinta
Muqdisho (SMN) – Guuleed Qaasim, oo kamid ah murashaxiinta doorashada xilka madaxtinimada Jubbaland ayaa ka hadlay xaalada guud ee maamulkan.
Ugu horeyn, siyaasiga ayaa wuxuu ka tacsiyeeyay weerarkii ay Al-Shabaab ka fulisay huteel ku yaala Kismaayo oo lagu dilay in ka badan 20 ruux.
Murashax ayaa sidoo kale wuxuu ku ammaanay ciidamada ammaanka sida ugu dhaqsiyaha badan ee ay kusoo afjareen dhacdadaasi.
Isaga oo soo hadal qaadey arrimaha doorashooyinka ayuu sheegay in uu muuqdo shaki ku aadan in ay xiligeeda ku qabsoonto cod-bixinta.
Mr Guuleed Qaasim ayaa ku eedeeyay hogaanka Jubbaland in uu caburin ku hayo murashaxiinta oo loo diidan yahay in ay olalahooda qabsadan.
Halkan hoose ka dhageyso wareysi uu siiyey Shabelle oo uu kaga hadlayo arrimo badan oo quseeya xaaladaha Jubbaland.
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Wareysi.mp3
Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle.
Hoos riix si aad u dhageysato
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Qumanaha-__-Wararka-13072019.mp3
Trump oo heshiis caalami ah ka baxay 'isaga oo ku xumeeynaya Obama'
Madaxweyne Donald Trump ayaa ka baxay heshiiska Niyukleerka ee iran isaga oo ku xumaynaya madaxwaynihii ka horreeyay ee Barack Obama, sida ku cad warqad sir ah oo la soo dusiyay oo uu qoray safiirkii hore ee UK u fadhiyay Washinton.
Gabadh Soomaaliyeed oo guul gaartay Cilmiga Badda
Cilmiga badda waxaa uu ka mid yahay culuumta ay aadka ugu yartahay barashadiisu bulshada Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna dumarka.
Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle.
Hoos riix si aad u Dhageysato:-
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-14072019.mp3
Ciidamada Jubbaland oo howlgallo ka sameeyey Kismaayo
Kismaayo (SMN)– Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidanka Jubbaland ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Howlgallada oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxa ay xalay ciidamadu ka fuliyeen xaafado ka tirsan magaaladaasi.
Ciidamada ayaa la sheegay inay xireen dhaq dhaqaaqa Kismaayo, inta ay socdeen baaritaanadaasi.
Lama shaacin illaa iyo hadda natiijada rasmiga ah ee ka soo baxday baaritaanada la sameeyey halkaasi.
Saraakiil ka tirsan kuwa ammanka ee Jubbaland oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlay howlgalladaasi.
Habeen ka hor ayey aheyd markii weerar xoogan oo khasaare geystay Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteel ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland.
الإمام محمد عبده ومدرسته الفكرية
نحن أمام رجل من رجالات الإسلام الكبار، وإمام من أئمته العظام، وداعية ومصلح ومجدِّد من الطراز الرفيع.. إنه الإمام محمد عبده، الذي تمر بنا ذكرى وفاته (11 يوليو 1905)، وهي لا شك ذكرى مهمةٌ لنلقي الضوء على بعض آرائه وجهوده ومدرسته الفكرية.
The post الإمام محمد عبده ومدرسته الفكرية appeared first on IslamOnline اسلام اون لاين.
Puntland oo soo celineyso Caruur laga xaday Muqdisho
Muqdisho (SMN)–-Wasaaradda Haweenka Puntland ayaa shaacisay inay gacanta ku heyso 21 caruur oo laga soo xaday magaalada Muqdisho.
Caruurtan ayaa wasaaraddu ay tilmaamtay in haatan ay qorsheyneyso inay dib ugu celiso magaalada Muqdisho, si ay ula midoobaan Waalidiintooda.
Wasaaradda Haweenka ma shaacin in gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaadkii ka dambeeyay falkaasi.
Ayaan Nuur oo ah isku duwaha wasaaradda Haweenka Puntland ee gobolka Bari ayaa faah faahin ka bixisay xaaladda Caruurtaas iyo dib u soo celintooda.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/ayaan.mp3
الدراسات المستقبلية في الوطن العربي: الثقافة والجامعات والمناهج العلمية
إذا تجاوزنا التراث العربي الاسلامي بما فيه من كهانة وعرافة وما شاكلها من محاولات ، فإن تأصيل دراسة المستقبل كحقل علمي له مناهجه وتقنياته في العالم العربي لا يشير الى ثراء في هذا الجانب، ومع ان فكرة الدراسات المستقبلية طرحت عام 1793 على يد المفكر الفرنسي كوندرسيه والذي تنبا بظاهرة العولمة،فإن الدراسات المستقبلية كمصطلح ظهرت عام 1920 على يد العالم كولم جلفلين(Colum Gilflin)
The post الدراسات المستقبلية في الوطن العربي: الثقافة والجامعات والمناهج العلمية appeared first on IslamOnline اسلام اون لاين.
Ciidamada DF oo deegaano hor leh ka qabsaday Al-Shabaab
Muqdisho (SMN)– War ka soo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa lagu sheegaya in Al-Shabaab laga qabsaday deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose.
Col. Maxamed Cabdullaahi Caraalle, taliyaha ururka 35-aad guutada 7-aad qeybta 60-aad oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyey in ay la wareegeen tuullooyinka Leego, Yaqbirweyne, Madax -Maroodi iyo deegaano kale oo dhammaantood ka tirsan gobolkaasi.
Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in howlgalkaasi ay ku dileen ku dhawaad 15 ka tirsanaa Al-Shabaab, kuna gubeen gaadiid, sida uu hadalka u dhigay.
Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi.
Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyey dhaq dhaqaaqyada Milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha dalka.
Madaxweyne iyo hogaamiye mucaarad: ''Tareen ayay ku kulmeen xal masiiri ahna ku gaareen''
Madaxweynaha iyo hogaamiyaha mucaaradka ayaa markii ugu horreysay tareen gudihiis ku kulamay tan iyo markii ay ku tartameen doorasho muran badan dhalisay taasi oo dibedbaxyo sababtay.
كيف تُنشِئ عدوا في بيتك !
تطرح وسائل التواصل الاجتماعي بشكل محتدم ومتواصل، عددا مهولا من المقاطع المرئية التي تعكس مشاعر الدفء الأسري، وصورة الطفل/ قرة العين، والطفل/ فلذة الكبد، الذي حوّل والداه كل حركاته وسكناته إلى إنجاز يُدر آلاف المشاهدات.
The post كيف تُنشِئ عدوا في بيتك ! appeared first on IslamOnline اسلام اون لاين.